Maxaad Ka Taqaana Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Loo Doortay Scotland?

Xamse Yuusuf ayaa noqday raysal wasaarihii ugu horeeyay ee muslim ah loo doorto raysal wasaaraha cusub ee Scotland iyo hogaamiyaha xisbiga ugu wayn dalkaas.

Salaasadii toddobaadkii hore aynu soo dhaafnay ayaa cod aqlabiyad ah ay ku doorteen baarlamaanka Scotland waxaanu sidaa ku noqday, qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee hogaamiye ka noqday gobolkaa madax banaanida doonaya ee Scotland.

Xamse ayaa dhaxli doona hawlo aad u waaweyn oo ay ugu horayso dib u dhiska xisbiga wadaniyiinta Scotland oo ah kan hogaamiya dhaq dhaqaaqyada xoriyad doonka ah, waxa kale oo siyaasigan sugaya sidii uu uga dhabbayn lahaa ujeedada madax banaanida.

In kastoo dhawaan rayi ururin la sameeyay muujisay hoos u dhac ku yimi taageeradii dadka reer Scotland u hayeen, xornimo doonka hadana wax jira aqlabiyad aad u saraysa oo doonaya inay ka madax banaanaadaan boqortooyada Ingiriiska.

Raysal wasaaraha cusub Xamse Yuusuf ayaa markii balmaanku doortay hadal kooban oo uu jeediyay, ku cadeeyay in Scotland ku jirto wakhtigii xoriyada ay ugu baahida badnayd.

Xamse Yusuf waxa uu wasiirka caafimaadka ka ahaa xukuumadii ka horaysay ee haweenayda lagu magacaabo Nikola Surgeon, oo bishii hore is casishay hogaaminaysay, cod xisbigu ku kala dooranayay siyaasiyiintii badalayay haweenaydaas ayaanu Xamse Yuusuf ka helay boqolkiiba 52%.

HALKAN HOOSE KA DAAWO