Mo Faarax Oo La Kulmay Guuldaradii Abid Ugu Waynayd.

Mo Faarax oo guuldarro weyn la kulmay

Orodyahanka Maxamed Faraax oo u tartamayay Maradoonka London ayaa galay kaalinta shanaad, waxaana orodkaasi ku guulaystay Eliud Kipchoge oo Kenya u dhashay.

Kipchoge oo 34 jir ah, sanadkii horena rikoor cusub u dhigay Maradoonka Berlin, ayaa ku orday laba saac laba daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi.

Mosinet Geremew iyo Mule Wasihun oo labaduba Itoobiyaan ah ayaa galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ee Maradoonka London.

Inkastoo Maxamed Faarax lagaga guulaystay orodkaasi, ayaa haddana waqtiga uu ku orday oo ahaa laba saac shan daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi waxa uu ahaa kii labaad ee ugu dhaqsaha badnaa ee uu ku ordo qof British ah.

“Si aad u wanaagsan ayaa ku billaabay orodka, ujeedkeyguna waxa uu ahaa inaan daba socdo qofka ugu horreeya, balse 20 mayl kadib ayuu iga baxsaday, wayna igu adkaatay inaan soo qabto,” ayuu yiri Maxamed Faarax oo ku hambalyeeyay Eliud.

Maxamed Faarax oo ah orodyahanka ugu billado guulaysiga badan taariikhda Britain ayaa dhawaan u wareegay dhanka orodka dheer ee loo yaqaan Maradoonka.

Mo Faarax oo sheegay in qalab laga xaday

Maxamed Faarax ayaa dhawaan sheegay in qalab muhiim ah looga xaday dalka Itoobiya halkaas oo uu deganaa hoteel uu leeyahay orodyahankii hore Haile Gebrselassie .

Labada orodyahan ee caanka ah ee afarta jeer qaaday koobka orodada ciyaaraha olimbikada adduunka, Mo Faarax iyo Haile Gebrselassie ayuu dhexmaray muran xoog badan oo la xiriira xatooyo ka dhacday hoteel Addis Ababa ku yaala.

Mo Faarax ayaa sheegay in qolkii uu ka degenaa hoteel uu leeyahay Haile looga xaday lacag, labo taleefoon iyo saacad qaali ah, islamarkaasna uu arrintaas wax ka qaban waayay Haile.

“Aad ayaan oga niyadjabay Haile” ayuu war qoraal ah ku yiri Mo Faarax, balse Haile ayaa dhankiisa Mo ku eedeeyay in uu wado magac dil iyo rakaato.