Mucaaridka Oo Qaadacay Jadwalka Doorashada Soomaaliya Ee La Shaaciyay

Muqdisho(Hayaannews); Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ee dhismihiisa ay kasoo horjeesteen musharaxiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, ayaa soo saaray jadwal doorasho oo cusub.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare waxay billaabanaysaa 26-ka December 2020, halka laga sugayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29-ka December 2020, waxaana doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31-ka December 2020 ilaa 6-da Janaayo 2021.”

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in 7-da Janaayo 2021 la guda galayo diiwaan gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada, sida ku qoran war-saxaafadeedka kasoo baxay.

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta, oo ah gole ay ku mideysan yihiin musharaxiinta mucaaradka, ayaa kasoo horjeestay tallaabada lagu soo saaray jadwalkan doorashada

Qoraal ay Midowga caawa kasoo saareen Muqdisho ayey ku yiraahdeen “Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa billowgii boobka Doorashada heer qaran taasoo uu madaxweynuhu ugu bareerayo abuuris xasarad siyaasadeed oo lagu burburinayo nidaamka dimoqraadiga oo udub dhaxaad u ah xasilooni siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Goluhu wuxuu uga digayaa madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ku kadsoomaan qabashada doorashooyinka aan la isku raacsaneyn, kuwaasoo ay hubanti tahay in ay horseedayaan xasillooni darri ka dhalata deegaannada ay maamulaan oo ah kuwo u nugul xasillooni darrida,” ayuu qoraalka intaas ku daray.