“Muddooyinkii Danbe Liiska Xagga Danbe Ayaynu Kaga jirnay Xukuumadda Waxaan Uga Digayaa inay  Qaadaan Cashuuro….Oo Ay Cabudhiso Saxaafadda…” Cabdiraxmaan-CIRO

Hargeysa (Hayaannews) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay Inay Isdiiwaangaliyaan si ay uga qaybqaataan doorashada fooda inagu soo haysa.

Maalinta barito ah ayaa la filayaa inay todoba degmo oo ka tirsan Sommaliland inay ka bilaabanto diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada Somaliland ee Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka.

“Ilaalinta xuquuqda saxaafaddu waa mid guud ahaan dunida laga qiimeeyo, innaguna muddooyinkii danbe liiska xagga danbe ayaynu kaga jirnay,  xukuumadda waxaan uga digayaa inay qaadaan Canshuurro aan Golaha wakiilladu jideyn, ama la cabudhiyo Saxaafadda guud ahaan, xukuumaddana waxaa laga filayay kobcinta saxaafadda iyo sameynta jawi wada shaqeyneed oo wanaagsan inay sameeyaan..”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com