Maanta hadalkii Muuse Biixi ee Imaaraadka uu ka jeediyay ayaa aan helay fursad aan ku dhegaysto, lix qodob baanan gooni u calaamadiyay. Wixii kaftan iska ahaa, oo hadalkiisa na ku badnaa kolka laga reebo, intan baa faalayn mudan aniga sida ay ila tahay:
- Beer, Xaaxi iyo Wajaale waanu beernay. In kasta oo midhihii naga khasareen roob la’aan awgii, Hadana waxa aanu haynaa calaf xoolaha Somalilaan badankood xiliga jiilaalka ku filan. Dooddaas hal qodob oo qumman baa ku jira – in ay askartii isku dayeen in ay wax beeraan. Roobka la isku haleeyay ee iman waayay, iyo in balka ka soo hadhay midhihii khasaaray ay xoolaha waddanka badankood ku filanyihiin ba wax ka soo qaad ma laha. In ay wax isku dayeen buuga u geli. Inta kale waa maaweelo. Xoolaha waddanka tiradooda ma ogid ee sidee u odhan kartaa badankood baan wax u hayaa?
2. Hanaan loo qaatto
shaqaalaha dawladda ayaanu keenay, gobolada iyo degmooyinka na ardaydu
imtixaanno ay galeen bay ku kala baxeen. Halkaas qodob micno leh baa ku jira.
Tiradu haba yaraato, oo gobol dhan konton qof ha laga qaato, laakiin waa talabo
dhinaca quman loo qaaday. Hadii la sii wado, oo la xoojiyo, waa wax fiican. Sidaas
oo ay tahay, run kale oo taas garab taalla ayaa jirta. Konton kaas sida qumman
loo qaatay, waxa garab socda boqolaal si qaloocan loo qaatay, qandaraasyo aan
si caafimaad qabta lagu bixinin, iyo dad caglyaal la yidhaahdo oo ciidamada iyo
rayidka ba dad aan jirin mushahar ku gurta, Muuse na si fiican buu u ogyahay,
ma se ka hadlin.
3. Passport keenii in ay Imaaradku nagala shaqeeyaan sidii caalamku u aqbali
lahaayeen baanu ka wada hadalnay. Passport keenu in uu shaqeeyo caqabad wayn
baa hor taagan, oo dagalada waawayn ee caalamka ka socda ayuu dhex galay.
Qodobkaasi ma aha meel mar iyo maangal toona. Run ahaan hadalkaasi waa gole ka
fuul kii Muuse caanka ku ahaa, wax sinaba cilaaqaad ula leh passport ka uu ka
hadlaayo na maba aha. Eeg, passport waddan aan la aqoonsanayni ma ka duwana
buugta ardayda dugsiyadu isticmaalaan ee dukamada taala. Waaba intaas uun.
Laakiin run ahaan, dadku intaas ma garan waayin, Hadana waa ay u sacbiyeen
kolkii uu waxaas ku hadlaayay. Sababtu waa mid keliya uun, waana mid aynu isla
garanayno. Laakiin maaweelada ay jeediyan dadka xilka hayaa, iyo shacbiga bilaa
shuruudda ku sacbiya ee irbaddu ku mudantahay waaqica aynu ku jirno wax ma ka
bedelaysaa? Ilaa hadma ayaynu se taas wadaynaa?
4. Madaarka Berbera in mid ganacsi laga dhigo, oo dayuuradaha Nigeria ka
yimaadda iyo kuwa Sudan ay ku soo degan, ayaanu ka fikirnay oo nagu soo
dhacday, oo aanu la soo qaadaynaa, laakiin taasi waa fikrad uun! Waa gole ka
fuul kale. Dad ba ku soo hor fadhiya, war na waa ay doonayaan, adiguna wax aad
sheegto ha waayin. Mabd’a kaas ah kolka laga duulaayo, wax kastaa waa mubaax.
Waxa lagaa doonayaa waa maaweelo, laakiin maaweelada ayaa la kala sheegi
ogyahay.
5. Hadaladii anaka iyo
Soomaaliya waxa dhexdhexaadinaaya Maraykan, Yurubta midowday, Afrika iyo Turkiga
oo hogaminaaya, laakiin qolada Muqdisho ma yeelayaan! Tan weeye midda ugu
cajabta badani. Doodda noocaas ahi waxa ay ka gadmaysaa uun qofkii sakhrad
khamro, amaba mid qabyaaladeed ay hayso. Midowga Yurub, Maraykan iyo Turkey ma
wax kale oo ay qabtaan baa ay waayeen? Mashiladaha ay madaxda waddamadani ka
fikiraan amaba ku fikiraan, miyay is jiidjiidka Soomaalidu meelnaba kaga
jirtaa, ama kaga jiri kartaa? Geesta kale, wadahadalo aan dhinacyada ay
khuseeyaan aanay ku heshiinin goobta ay ka dhacayaan, iyo goorta ay dhacayaan,
miyaa meelnaba laga sheega? Horta yaa Muuse la taliya sidiisaba?
6. Qodobka u dambeeya, malahayga na ugu muhiimsani waa hadalkiisa qaybtii ku
saabsanayd midnimada gudaha iyo sida uu uga hadlay. “Doorashadii si
qabyaaladaysan bay inooga dhacday, xanafna way reebtay, laakiin waa laga
bogsaday. Goboladii Waddani looga codeeyay waa tegay, xoog na waa la iiga soo
dhaweeyay.” Hadii ay sidaasi dhab ka tahay, oo uu u qabo in dhibaato dhacday,
lakiin iyada oo aan waxba laga qabanin ay automatic ahaan isaga dawawday marba
hadii uu booqday, wuu qaldanyahay. Hadii aanu sidaas qabin ee ay is yeelyeel ka
tahay na, wuu ka sii qaldanyahay. Hadii uu dul fadhiyo maamul yar, oo dhinac ka
raran, oo awooddii dhaqaalaha, tii caddaaladda, tii ciidamada, iyo hogaankii
siyaasadda ee guud ahaaneed ba ay ku urureen gacanta jifo keliya, hadana uu
moodaayo, amaba se uu is moodsiinaayo, in maamulkiisa kalsooni lagu qabo, amaba
lagu qabi karo, maxaa lagu tilmaami karaa? Dee waa halyay qawani ku lugaynaaya,
cid qabata, amaba wax u sheegta na aan lahayn sida muuqata. Hogaamiyaha dhabta
ahi mushkiladda wuu wajahaa, ka kale na wuu dafiraa, cidda la soo qaadda na wuu
la coloobaa. Farqigu waa intaas.
Horaa loo soconayaa.
Mohamed Haaruun
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland