“Muwaadin Codkaaga Igu Hiili Aan Ku Adeege…..” Murashax Axmed-MAAWEEL.

“Maxaynu doonaynaa waa iswaydiin mudan in laga fikiro waa haddaynu rabno inaynu wax badalno….” Axmed-MAAWEEL

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan Axmed Maxamed Fidhin (Axmed-MAAWEEL) , oo ah murashax u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay is-diwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka cod-bixinta doorashada.isla markaana uu dhawaan soo bandhigi doono barnaamij Siyaasadeedkiisa.

Axmed-MAAWEEL waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Caawa u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews. Mar uu la hadlayay dadweynaha reer Somaliland waxa uu yidhi“Waxaan ugu baaqayaa dadweynaha reer Somaliland inay is-diwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta, gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa waa inay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka 2021-kii.”

“Waxa ku waajiba qofkasta oo muwaadin reer Somaliland oo aan hore u qaadan Kaadhkii codeynta doorashada iyo kuwii muddadaasi qaan-gaadhay inay qaataan Kaadhka cod-bixinta doorashooyinka. Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhigayaa inuu muwaadin kastaa xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. Sidaa daradeed Muwaadin qaado Kaadhka codeynta doorashada oo dooro Xildhibaankii umaddan ku hogaamin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga”.Ayuu yidhi Axmed-MAAWEEL.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Muwaadin waxaad doorataa cida aad is-leedahay wax ayuu u qabanayaa dalkan iyo dadkan tabaaleysan, ee ha u dooranin qabyaalad iyo hayb midna…..”

Axmed-MAAWEEL waxa uu ballanqaaday oo uu yidhi “Waxaan ballan-qaadaya inaan dhawaan bulsho-weynta reer Somaliland u soo bandhigi doono barnaamijkayga Siyaasadeed iyo waxyaabaha aan doonayo inaan bulshadayda u qabto haddii ILAAHAY igu guuleeyo Xilkaa Xildhibaano ee aan u tartamayo….”.

Murashax Axmed-MAAWEEL waa nin dadnimo baddan oo inta baddan danta guud ka shaqeeya, isla maraaka firfircoon oo horumarka jecel oo bulshada dan yarta u adeega.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com