“Muwaadin Haygu Dooran Qabyaalad Iyo Nin Jecleysi Ee Igu Dooro Aqoon, Karti Iyo Daacadnimo…..” Murashax Mawliid-QARRO.

Waxaan Ahay Murashax U Tartamaya Doorashada Golayaasha Deegaanka  Ee Caasimada Hargeysa.

Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Mawliid Keyse Muxumed (Mawliid-QARRO), oo ah murashax u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay is-diwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka cod-bixinta doorashada.isla markaana waxa uu tallooyin u soo jeediyay daneeyayaasha qabsoomida doorashooyinka deegaanka iyo Wakiillada.

Mawliid-QARRO waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews. Mar uu la hadlayay dadweynaha reer Somaliland waxa uu yidhi“Waxaan ugu baaqayaa dadweynaha reer Somaliland inay is-diwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta, gaar ahaan dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa waa inay qaataan kaadhka codbixinta doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka 2021-kii.”

Muwaadin qaado Kaadhka cod-bixinta oo is-diwaangeli:“Waxa ku waajiba qofkasta oo muwaadin reer Somaliland oo aan hore u qaadan Kaadhkii codeynta doorashada iyo kuwii muddadaasi qaan-gaadhay inay qaataan Kaadhka cod-bixinta doorashooyinka. Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhigayaa inuu muwaadin kastaa xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto. Sidaa daradeed Muwaadin qaado Kaadhka codeynta doorashada oo dooro Xildhibaankii umaddan ku hogaamin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Muwaadin waxaad doorataa cida aad is-leedahay wax ayuu u qabanayaa dalkan iyo dadkan tabaaleysan, ee ha u dooranin qabyaalad iyo hayb midna…..”

“Aniga oo aan is-faaninayn waxaan ahay in aqoon iyo khibrad u leh Xilka Xildhibaanimada Golaha deegaanka ee aan ku loolamayo,oo waxaan hore u soo noqday Madaxda dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Guddoomiyaha degmooyinka Maxamuud Haybe, Kood-buur iyo Axmed-Dhagax. Sida laga yaabo inaad ka war-qabtaan waxaan hore u soo noqday Xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa, aniga xilkaasi ku waayay kadib markii aan ka hor imi cadaalad-daradda iyo musuqmaasuqii aan arkay, si aan arimahaas wax uga qabto ayaa waxa waajib igu noqotay inaan isu soo taago Murashaxnimadda Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa. Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inaan noqdo Maayarka Caasimada Hargeysa ee soo duceeyaa”. Ayuu yidhi Murashax Mawliid-QARRO

Mawliid-Qarro waxa uu ballan-qaaday inuu dhawaan bulsho-weynta reer Somaliland u soo bandhigi doono barnaamijkiisa Siyaasadeed iyo waxyaabaha uu doonayo inuu bulshada u qabto haddii ILAAHAY igu guuleeyo ayuu yidhi.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com