NAIROBI: Madaxweyne Biixi Oo Khubad Garnaqsi Ah U Jeediyay Dalka Kenya  

“Somaliland waxay ka noqotay midowgii fashilmay dawaladii burburtay 1991-kii ay hore ugu midoobeen”

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++

“Waxaanu Caalamka u sidnaa inaanu ka socono dal soddon sanno (30 sanno) jiray oo madax-banaan oo iyagu dalkooda maamusha….”#Hayaannews

Kenya(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay caalamka u sheegayaan inay ka socdaan dal 30-sannadood jiray oo madax-banaan, isla markaana ay Somaliland ka noqotay midowgii fashilmay dawladii burburtay 1991-kii ay hore u midoobeen.

Sidaa waxa uu Madaxweyne Biixi ku sheegay khubad gar-naqsi ah oo uu ka jeediyay magaalada Nairobi oo uu safar shaqo ku joogo, oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

Ugu horayn waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Kenya His Excellency Uhuru Kenyatta, marti-qaadkii uu u fidiyey anniga iyo waftiga ila socda, oo ka turjumaaya taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Kenya iyo mustaqbal wanaaga ay labada dal doonayaan inay ka wada tashadaan oo uu ka turjumaayo marti-qaadkaasi.

Aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa shacabka Kenya madaxda, Dawladda Madaxweynaha iyo waayo arragga siyaasiga ah e ee Raisal Wasaarihii hore ee Kenya imikana ah u qeyb sanaha midowga Africa  u qaabilsan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo runtii abaal weyn ku leh Somaliland, fagaare walbana si badheedha uga taageera qaddiyada Somaliland dhammantoodba waan u mahadnaqayaa.

Waxaan u mahadnaqayaa caawa  His Excellency Raila Odinga  Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya oo nagu marti-qaaday cashadan inuu sameeyo oo dadkan isugu yeeshay, xaflada halkan nagu casuumayna waa taariikh gaara oo aanu aad iyo aad uga mahadnaqayno inta kasoo qeyb gashayna waan u mahadnaqayaa dhammaantood.

Waxaan ku darayaa mahadnaqa waftigii noogu yimi Somaliland ee uu hoggaaminayey Xildhibaan Maxamed iyo waftigii la socday sidii cadayd ee ay noogu warameen heerka ay ka taagan tahay Kenya in mustaqbalka Somaliland iyo Kenya wax wada qabsadaan oo ay xagga wanaaga nabada iyo horumarka u dhaqaaqaan, iyagoo leh taariikh iyo nidaam isku mid ah oo hore u jiray inuu ka dhaxeeyey Manhajka waxbarashada, sharciga luuqada ay wax ku baranayaan iyo dhaqan ahaanba ay ka midaysnaayeen in maantana mustaqbalka dib loo wada qaado aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa gaar ahaan Xildhibaan Maxamed hawshaa uu ka geystay isu soo dhaweynta labada dalna waan ka mahadnaqaynaa.

Waxaanu Caalamka u sidnaa inaanu ka socono dal soddon sanno (30 sanno) jiray oo madax-banaan oo iyagu dalkooda maamusha oo nabad ku noolaa saddon kaa sannadood oo jaarkana nabad-geliya adduunkana nabada qeyb badan ugu deeqa adduunka oo dhan oo gudahooda wixii shaqaaqo ahna iyagu xalista, oo aan adduunku xidhiidh la lahayn hay’addaha lacagaha adduunka haya sida World Bank iyo hay’adda kale aanu mid wax deyn ah ku lahayn midna caawin soddonkaa sannadood, dawlaha caalamka oo dhan ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaana midina aanay deyn u sheeganayn oo haddana soddonkaa sanno horumar weyn sameeyey dhinac walba, xagga horumarka dhaqaale, tacliinta, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo horumarka bulshadaba, ayaanu ka nimi oo aanu adduunka u sheegaynaa oo aan in badani oggayn laakiin reer Kenya aad ay u ogyihiin.

Caalamka waxaan u sheegayaa caawana aan idiin cadaynayaa inaanay Somaliland ahayn dad dal ka goostay oo Qaran ka goostay oo jebinaaya sharciga u dhigan Midowga Africa, Somaliland waxay ka noqotay midowgii fashilmay dawaladii burburtay 1991-kii ay hore ugu midoobeen laba dawladood oo xora oo ay mid ahayd tii Talyaanigu gumaysanaayey midna ahayd tii Ingiriisku gumaysanaayey oo si xora u midoobay, midowguna ka fashilmay markay soddon sanno mid ahaayeen, Somaliland markaa waddo gaaray qaadatay waxa ay dhisatay dawladd waxay dawladaasi ka abuuran tahay dadka oo soo dhisay dawladd dimuqraadi ah saddex Madaxweyne ayaa doorasho isku bedelay oo si nabada awoodda isugu wareejiyey, maanta Somaliland waxaa ka socota doorashadii golaha wakiillada iyo dawladaha hoose oo diiwaan gelinta codbixiyayaashu hadda ka socoto Somaliland oo dhan oo aanay cidina ka caawinayn Insha allaah doorashadaana qaban doonta bisha May sannadka soo socda ee 2021-ka.

Waxa weeye Binu-aadamigu hadduu goosto inuu sharaftiisa ilaaliyo oo ah halku dhiga Somaliland “Waxaan ahay Faqiir laakiinse waxaan ahay nin qabkiisa ilaashanaya” taasaan dalka ku dhisanay, Ilaahay mahadii waxaanu leenahay dad baayac mushtar ah oo xooga oo kartida iyo hal-buurida leh oo sameeyey shirkado maanta ah kuwa ugu horeeya xagga isgaadhsiinta xagga xawilaada lacagaha oo soo jiitay hay’addo Caalamiya oo ah baayac-mushtar ah oo ku dhiiraday Somaliland markay arkeen inaan cidina Ictiraafsanayn, inay maalgeliyaan lacagtooda ka badan malaayiinta oo ay ka mid tahay DP World oo ah Shirkad Caalamiya oo ku dhiiratay inay dhisto Dekeda Berbera oo ay ka dhigto kuwa ugu waa weyn Caalamka, taasoo ay ku dhiiradeen markay arkeen siday Somaliland isu dhisayso  dawladdo kale oo badanina hadda ay ku jiraan inay heshiis la galaan.

Markii ay Somaliland wadadaa qaaday kuwii aanu midownay 1960-kii ee aanu 1990-kii ka baxnay markii ay duntay, aanu annagu nidhi iskayo ayaanu u tashanaynaa saddonkaa sanno iyagu maxay qabteen oo run ah? Waxay qabteen soddonkii sanno waa isdilayaan waxaa wadankooda ka abuurmay Budhcadnimo oo caalamka oo dhami usoo gurmaday, Xamar caawa cid xukunta la garan maayo ma bulshada caalamka xukunta? Ma kuwa dhex joogaa xukuma? lama yaqaano haddana waxaa la yaab leh Caalamku abaal gud buu u siiyey aqoonsigii naga dhaxeeyey waxay ku abaal mariyeen kuwaa ku fashilmay inay dalkooda maamulaan, waxaana laga indha qarsaday in Ictiraafka qeybtoodii la siiyo kuwaa dalkoodii dhistay, waana waxyaabaha lays waydiinayo Madaxda Caalamka ee ay ugu horeeyaan kuwa Africa  sida IGAD, AU tolow indhahoodu sidee bay wax u qiyaasaan waa ta aanu imika waydiinayno ninkasta oo African ah oo aan u taggo, ma ninkii saaqiday ee baabiiyey ee Caalamkana dhibaato ku abuuray ayaa la abaal marinayaa oo la aqoonsanayaa mise kii wax dhisay? Waa su’aasha aanu Caalamka weydiinayno Somalilanders kuna waydiiyaan cidkasta oo ay la joogaan.

Wada hadalkayagii Madaxweynaha Kenya waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inuu ahaa mid run aanu isu sheegnay , xaaladaha si waaqici ah u eegnay labadayada dal dantooda, danta Geeska Africa iyo dhibaatooyinka jira sida loo xalinaayo iyo mustaqbalka inaanu noqono madax African ah oo dalkooda mustaqbalka uga fikirta sidii ay u gaadhi lahaayeen Caalamka ee ay dhibaatada uga bixi lahaayeen, waxaanu isla taabanay  Afrikada bari in  shanta qeybood ee Africa inay iyadu ugu shaqaaqo badan tahay oo ay ugu dagaalo badan tahay oo sidaa darteed dhalinyaradeedu ugu shaqo la’aan badan tahay oo dhibaatooyinku aad ugu badan yihiin, waxaa nasiib wanaaga Kenya iyadu Geeska Africa noqonayso ta ugu nasiib badan ee horumar samaysay intay xorta ahayd dhaqaale ahaan, aqoon ahaan, siyaasad ahaan dalka qudha ee intuu uu xorta ahaa aanu ka dhicin inqilaab milateri, mid baa mar laysku dayey wuu fashilmay taasi ayaa horumarisay, iyada iyo Jabuuti uun baa ka nabad-galay, labaduba waxay sameeyeen dhaqaale iyo deganaansho horumaray, haddii ilaahay yidhaahdo Somaliland waxaanu doonaynaa mustaqbalka danbe inay waligeed nabad ahaato, qalalaase siyaasadeed aanu ka dhicin dhibaatadii aanu xalino si aanu u gudno wakhtigii naga lumay oo aanu mustaqbal deg deg ah u samayno, inaanu waayo aragaa Kenya leedahay iska kaashano oo aanu horumar u wada samayno dhinaca dhaqaalaha, diblumaasiyada, amniga iyo wax wada qabsiga guud ahaan  rajana waxaan ku qabaa dhawaan muddo gaaban dhexdeed in la arki doono midhaha shirkaasi kasoo baxa haddii Alle yidhaahdo.

Ugu danbayn waxaan jecelahay inaan mar labaad ku casuumo His Excellency Raila Odinga haddii uu 1995-kii uu arkay Somaliland siday ahayd iyadoo guryuhu wada qaawan yihiin, iyadoo Miinadu dariiq walba ka qarxayso iyadoo aan magaaladu biyo lahayn iyada oo aan dadka lafihii qaar la aasin, hadduu taa kasoo argagaxay waxaan jeclaan lahaa inaan maantana mar labaad ku marti qaado oo uu eego kartida dadka reer Somaliland siday u dhiseen labadii magaalo ee aad tagtay iyo kuwa kaleba iyo talaabada ay sameeyeen keligood oo ah wax mucjiso ah markaa maanta Odinga waxaan mar labaad ku casuumayaa Somaliland.”

#Hayaannews

#Mustafe_janaale