Natiijada Baadhitaan 2 Cisho Qaatay Oo La Mariyey Sh. Aadan-Sune & Warbixintii Dhakhtarka

Hargeysa(Hayaannews): Xarunta caafimaadka ee Hargeisa International Hospital waxaa muddo Labo casho ah baadhitaan caafimaad uga socday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sune).

Sheekha oo Jidh-dil ba’an ay u geysteen ciidamada Booliska Somaliland ayaa sababay in dhakhtarka loola cararo, waxaana baadhitaankan lagu sameeyey kasoo baxday Natiijo muujinaysa sida waxashnimada ah ee sheekha loo ciqaabay.

PROF. DR Axmed Saalim oo ah dhakhtarka baadhitaanka mariyey ayaa sheegay in calooshu ay Afar meelood ka qaraxsantahay, isla markaana uu sheekhu u baahan yahay in lagu sameeyo Qalliin deg-deg ah.

Warbixinta dhakhtarka oo dhamaystiran isla markaana Lifaaqeedii wadata waxaa goor dhawayd lagu baahiyey Page-ku uu sheekhu ku leeyahay Facebook. Waxaanay warbixintaasi oo faah-faahsani u qornayd sidan:
“Manta waa maalintii labaad ee Sheekh Aadan-sunne la keeno dhakhtarka, dhibaatadii cuslayd ee kasoo gaadhay jidh-dilkii ay u ciidamadu u geysteen.
Baadhitaankaa labada cisho socday waxa ka soo baxay Rebort-kan uu qoray dhakhtarkii baadhay maanta ee xarunta caafimaadka ee Hargeisa International Hospital.

Dhakhtarku wuxuu noo sheegay inay calooshu Afar meelood ka qaraxsan tahy una baahan yahay qaliin deg-dega oo culus. Sabatoo ah markastaoo uu fadhiisto ama uu socod sameeyo calooshu way sii dilaacaysaa.
Dhakhtarku waxa kale oo uu yidhi yidhi caloosha shabag ayaa la galinayaa, madaama dhaawac badani jiro, calooshuna dilaac badani ku yaallo, waanay furmaysaa haddii aan la galin shabagaasi. Sido kale waxa uu u baahan yahay qaliinka kadib 21 cisho oo bilaa cunta ah, cabitaan mooyaane.

Waxa kale, oo dhakhtarku sheegay in Sheekhu u baahan yahay oo kale 3 bilood oo nasasho iyo dhaq-dhaqaa la`aan oo uu dhakhtarku dul-taagnaado, si uu xaaladdiisa caafimaad u ogaado. Markaa waxa loo sheegay in uu yahay nin xidhan. Dhakhtarku markaa wuxuu yidhi ma Qalaayo, mana taabanaayo, haddii aan wakhtigaa la i siin, waayo isma qabanayso qof xidhan iyo qaliinka lagu samaynaayo.