Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay Dil
November 21, 2020 - Written by admin
Oslo (Hayaannews) –
Dawladda Norway ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay muwaadin reer
Somaliland ah oo dhalasheeda haysta oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku
xukuntay dil.
Afhayeenka Wasaaradda
Arrimaha dibedda ee Norway Ragnhild Simenstad ayaa Warbaahinta Norway Today u
sheegay in Wakiilka Somaliland ee Norway doonayaan inuu ballan deg-deg ah uga
sameeyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, si uu ugala hadlo Muwaadinkan u
dhashay Norway.
Ninkan u dhashay Norway
oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay dil, ayaa lagu eedeeyay inuu
sannadkan gudihiisa nin ku dilay Magaalada Hargeysa.
Gar-yaqaan u doodaya Ninkan Farid Bouras ayaa sheegay inuu xidhiidh la soo sameeyay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) “Waan la hadlay Wasiirka, waxaanu sheegay inaanu xukun kama dambaysa ahayn in Ninkan eedaysanaha la dili doono Maalmaha soo socda, Xukunku maaha kii u dambeeyay ayuu igu yidhi..”