Nuxur Kulan Dhex Maray Madaxweynayaasha Dawladaha Jabuuti Iyo Soomaaliya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

Hargeysa(Hayaannews):Madaxweynayaasha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle  iyo dhigiisa dalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka wada hadlay ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee gobolka.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdilaahi Farmaajo.

Waxaana Warsaxafadeedkaasi lagu sheegay inuu ahaa mid midha-dhala.

“Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidammada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ka qaateen  xasillinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).