Nuxur Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka AWDAL Iyo Masuuliyiinta Hay’adaha

 

Hargeysa (Hayaannews)-Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa kulan lagaga hadlayay Roobabka ka da’aya xeebaha gobolka Awdal laqaatay mas’uliyiinta hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramayo wariye Cabdisalaan Bashiir Faarax oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Awdal, Kulankaas oo lagaga hadlayey sidii looga diyaargaroobi lahaa saameynta ka dhallankarta roobabka ka da’aya xeebaha gobolkaas, waxaana ka qaybgalay isuduwayaasha wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada, beeraha, warfaafinta, hay’adda udiyaargarawga Aafooyinka iyo mas’uuliyiin kale,

Markii uu kulnkaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Cabdinaasir Daahir Cige, oo ah isku xidhaha maamulka gobolka iyo hay’adaha ka hawlagala, isaga oo ka warbixiyey kulankaas iyo waxa uu daaranaa sheegayna in ay warbixin ka dhageysteen mas’uuliyiinta wasaaraadda beeraha iyo hay’adda udiyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka, wuxuuna xusay in ay isla qaateen in hadba wixii soo kordha ay xogtooda la wadaagaan, si bulshada loogu wargeliyo in ay ka fogaadaan meelaha ay dhibaatadu ka dhallan karto ee jeex-jeexyada iyo biyo mareenada ah.

Waxa kale, oo uu sheegay in ay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal ka codsadeen in ay heegan geliyaan hawl-wadeenada caafimaadka iyo gaadiidka Ambalaasyada ah ee gobolka guud ahaan.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com