|
|||||
HAYAANNEWS.NET
Nuxurka Qodobada Heshiiska Ay Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Kenya Kala Saxeexdeen
December 16, 2020 - Written by adminNairobi(Hayaannews):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wada jir ah u soo saaray Maanta War murtiyeed ka dhashay wada hadaladii labada hogaamiye yeesheen labadii maalmood ee u danbeeyay. Wefdiga uu hor kacayay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa ku jooga caasimadda Kenya ee Nairobi booqasho rasmi ah oo daba socotay martiqaad uu u fidiyay madaxweynaha Kenya . Sida ku xusan war-saxaafadeedka wadajirka ah, waxay madaxweyne Kenyatta iyo madaxweyne Biixi isla meel dhigeen sii wadidda dadaallada nabadeed iyo danaha ay wadaagaan. War Murtiyeedkan oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews ayaa lagu sheegay in Labada hogaamiye ay isku waafaqeen iskaashi ay ku raadinayaan nabadda gobolka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada labada dhinac. War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Intii uu socday wada-hadalka labada Madaxweyne ay si wadajir ah diiradda u saareen ballaadhinta Xidhiidhada ganacsi, xoojinta wada-shaqeynta gaadiidka dhinaca hawada, taasoo horseedeysa in la billaabo duullimaadyo toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.” Ayaa lagu yidhi bayaanka. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida. “ Iyada oo ay khuseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay’ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yidhi War Murtiyeedka. Waxay labada madaxweyne ugu dambayn amar ku siiyeen mas’uuliyiinta xafiisyadooda inay hirgaliyaan shan qodob oo ay isla meel dhigeen, kuwaas oo kala ah:
Sida ku xusan war murtiyeedka wadajirka ah, labada hoggaamiye ee ku kulmay Nairobi waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu fulinayo , si loo muujiyo saameynta wada-shaqeynta ee ka dhalatay Heshiiskan labada dal wada gaadheen, Waxaana Qodobadaas ka mid ah.
Qodobadii Heshiiska oo Ingiriisiya Halkan hoose ka akhriso #Hayaannews,Office #Mustafe_Janaale Email: Hayaannewssoma@gmail.com COMMENTS
|
|||||
|