Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Danjire ka socday Sucuudiga

Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo soo gaadhay Wakaallada Wararka ee Somaliland waxa lagu sheegay in Kulankaasi lagaga wada hadlay sidii dawladda Sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo food saaray qaar ka mid ah gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran looga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo diinta.

Ugu danbayn,  safiirku wuxuu  dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska.

Waxa madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.