“Ogaada Dhallinyaro In Aad Tihiin Keydka Ugu Qaalisan Ee Dalka….” Suxufi Xuseen Cali Nuur

Hargeysa(Hayaannews): Horumarka dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo isdhexgalka bulsho ee dal, wuxuu ku xidhan yahay guud ahaan dhallinyaradiisa; gaar ahaana intooda wax baratay ee aqoonta leh.

Waxa la yidhaa in jiritaanka dal halis uu galayo, haddii dhallinyarada aqoonta lihi ay faraha ka qaadaan u danaynta dalkooda iyo dadkoodaba. Dhallinyaronimadu waa shayga ugu qaalisan ee Ilaahay ku mannaystay qofka bani’aadamka ah, marka uu siiyey fursad nololeed oo mar qudha noloshiisa soo maraysa.

Fursaddaas oo aan mar labaad aan soo maraynin, waxa loo baahan yahay in aan marnaba aan la khasaarin. Khasaarahaa oo qofka, dalka iyo dadkaba waxyeello weyn u geysan kara.

Si shaygan qaaliga ah looga faa’iidaysto, waxa loo baahan yahay in dhallinyarada loo sameeyo qorshe nololeed hagaya, si ay riyada ay nolosha ka haystaan ugu rumowdo.

Qorshahaasi waa inuu ahaadaa mid diiradda saaraya xaqiijinta rejada ay mustaqbalkooda ka qabaan. Sidoo kale, qorshuhu waa inuu ahaadaa mid u suurtogelinaya hanashada inay u rumowdo waxay jecel yihiin. Waxase ay taasi u baahan tahay ogaanshaha dhallinyaro ee ah inay leeyihiin awoodda waxqabad ee dalka.#Hayaannews

Sidoo kale, waa inay ogaadaan inay dhallinyaradu ay tahay awoodda koowaad iyo keydka ugu weyn ee ummadi leedahay, waxaana loo baahan yahay in loo diyaariyo dhallinyarada, laguna talogalo agabka iyo hubka ay ku hawlgalayaan.

Waa in loo diyaariyaa  carruurta iyo dhallinyaraduba siday u heli lahaayeen waxbarasho tayaysan oo raabo kasta oo cilmiyeed leh. In waxbarashadooda aanay noqon mid ku lunta dano gaar ahaaneed oo ganacsi ah.

Waxbarashada tayaysani waxay saldhig u noqonaysaa, in dhallinyarada maantu jiilashii ka horreeyey waxay qabteen halkaas ka sii wadaan. Waxay u fududaynaysaa inay waxyaabo cusub ku soo kordhiyaan, iyagoo adeegsanaya aqoonta casriga ah iyo Teknoolajiyaddeeda.

Waxay hub u noqonaysaa ilaalinta dhaqankooda, hiddahooda isla mar ahaantaana ka ilaalinta dhaqamada shisheeye ee diintooda iyo dadnimadooda waxyeelada ku ah.

Waxa ii muuqata in Xukuumadda Jamhuurayadda Somaliland ay ahmiyadda iyo mudnaanta siisay dhallinyarada muddada saddexda sannadood ku dhow ee ay maamulka haysay. Ma aha arrin la dafiri karo in waxyaabaha ay u qabatay dhallinyarada muddadaasi ay ka badan tahay muddadii dhawr iyo labaatanka sannadood ahayd ee ka horreysay.

Waxaan leeyahay xoojinta iyo tayeynta shaqo qaran iyo dhaqan-gelinta guud ahaan qorshaha horumarinta dalka inay yihiin, kuwo faa’iido weyn u leh dhallinyarada oo ah keydka ugu qaalisan ee waddanka Somaliland.

Dhallinyaradeenna waxaan xasuusinayaa in taariikhda soo ifbaxa iyo fidinta diinta Islaamka kaalinta ugu weyn ay dhallinyaradu ka qaadatay. Sidoo kale dhallinyaro ayaa ku lug lahayd isbeddel kasta iyo horumar dal yeesho.

Maanta dhallinyaro waxaad haysataan fursad weyn oo ugub ah, oo aad taariikhda dalkeena ka mid noqon kartaan. Sidaas daraadeed, ha dayicina fursadda qaaliga ah ee noloshiina mar qudha soo maraysa.

By; Xuseen Cali Nuur,

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com