SOMALILAND: Ololaha Qaybinta Kaadhka Codbixinta Oo Ka Bilaabmay Gobolada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal

Hargeysa (Hayaannews)- Olollaha qaybinta Kaadhka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa ka bilaabmay maanta oo Arbaca ah gobolada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal, taasoo wajigeeda koowaad socon doono muddo 3 Maalmooda.

Guddida Doorashooyinka Qaranka oo howshan diwaan-gelinta ku-celiska ah bilaabay dabayaaqadii sanadkii 2020, ayaa shalay caasimadaha saddexda gobol ka amba-bixiyey Shaqaalaha fulinaya Barmaamujka Kaadh-qaybinta, Agabka lagu shaqaynayo, gaadiidka iyo kooxaha nabad-gelyada ee la shaqaynaya.

Gobolka Maroodi-jeex oo kamida saddexda gobol, ayaa waxa ay kaadh-qaybintu ka bilaabmaysaa 348 goobood, waana gobolka ugu baaxada codbixiyeyaasha badan gobolada dalka, iyadoo Komishanku maalintii shalay kala direen howlwadeenada ka shaqaynaya goobahaasi.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo Isniintii todobaadkan bixiyey wargelinta bilowga Olollaha Kaadh-qaybinta ayaa bulshada ku adkeeyey inay si taxadir caafimaad ku dheehan yahay ugu soo baxaan qaadashada Kaadhka codbixinta.

“Muwaadin haddii uu Kaadhkaagu soo noqdo sidaad adiga iyo Kaadhku mar dambe isu heshaan way adagtahay, markaa u socdaala oo qof walowba waxaad tagtaa goobtii aad iska diwaangelisay, adigoo ilaalinaya taxadirka caafimaad”ayuu yidhi Guddoomiye Riyo-raac.

Xubnaha guddida Doorashooyinka Qaranka ee hogaaminaya barmaamujka Kaadh-qaybinta ee maanta bilaambay oo shalay warbaahinta la hadlay markii ay kala dirayeen howl-wadeenada, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka iyo qorshaha loo dejiyey mashruucaasi.

“Muddada Kaadh-qaybintu waa saddex maalmood oo ka bilaabmaysa 31 Bisha March ilaa 2-da bisha April, wakhtigu aad buu u kooban yahay waxaan dadweynaha ku boorinaynaa inay si taxadir leh u qaataan Kaadhkooda.

Kaadhadhka waxa qaadan kara dadkii isdiwaangeliyey 2021-kii ee aan hal mar wax ka badan is-diwaangelin iyo kuwii 2016 -kii -2017 aan haleelin qaadashada Kaadhka, labadaas qolo ayaa qaadan doona Kaadhka codbixinta, Waxaanay u doonaan doonaa goobihii ay iska diwaangeliyeen.”ayuu yidhi Komishaneer Cabdifataax Ibraahim Sheikh oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta Jaamacadda Burco oo laga ambabixiyey Saraakiisha Kaadh-qaybinta Gobolka Togdheer.

Komishaneerka, ayaa u mahad-celiyey Maamulka gobolka, Hay’addaha amniga, asxaabta Qaranka iyo guud ahaan daneeyayaasha ka qayb-qaadanaya sidii ay bulshadu u qaadan lahayd Kaadhka codbixinta, waxaanu shacbiga gobolkaas ugu baaqay “Dadweynaha waxaanu leenahay qaata Kaadhka idinkoo si nidaamsan u soo gelaya goobaha oo taxadir samaynaya oo caafimaadkiina ilaalinaya”ayuu raaciyey.

Qaybinta Kaadhka codbixiyeyaasha Doorashada ayaa horaantii bishan March ka bilaabantay oo laga fuliyey gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil, halkaasoo ay ka socotay saddex maalmood oo goobaha oo dhan laga fuliyey iyo todobaad ay ka sii socotay xarumo kooban.

Si’ taasi lamida, ayey Guddida Doorashadu u qorsheeyeen saddexdan gobol ee ay maanta ka furmayso, sida sheegeen masuuliyiinta Komishanku marka ay saddexda cisho ee howlgalka balaadhani dhamaado, laba maalmood kaddib waxa dib looga sii wadi doonaa goobo xadiddan oo ku yaalla degmo-doorashooyinka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland