Prof Siciid Saalax Oo Khudbad Qiimo Baddan Ka Jeediyay Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeisa #HIPF DAAWASHO-WACAN.

Hargeysa(Hayaannews): Professor Siciid Saalax oo ka mid ah suugaan-yahanka iyo af-yaqaanka Soomaalida ayaa sharxay muhiimadda bandhiga Buugaagtu u leeyahay bulshada iyo is-dhexgalka dadka iyo dalalka deriska ah, isagoo ka sheekeeyey qiimaha ay lahaayeen hal-ku-dhegyadii hirgalay ee lagu suntay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa tobankii sanno ee u dambeeyey.

“Hal-ku-dhigga sannadkan oo sida loo sheegay daba-jooga sannadihii badnaa ilaa 2012-kii waxaynu soo odorosnay hilaadda timaaddada. 2013-kii sadcaal ayaynu ahayn, 2014-kii mala’awaal ayaynu joognay, 2015-kii baradaada ayaynu qotonay,2016-kii hoggaaminta iyo hal-abuurka ayaynu hadal-haynay, 2017-kii Xidhiidhsami ayaynu u bixinay, 2018-kii Murti ayaynu naqaynay, 2019-kii waa Socday Wada lahaanshaha iyo islahaanshuhu, 2020-kii halku dheggu waxa uu ahaa COVID 19-ka, oo ahaa inaan la isku iman oo afka la saabto, oo la kala maqnaado, hal-ku dhegga sannadkan 2021 waa Deris wanaag”, sidaas ayuu yidhi Prof Siciid Saalax.

Carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sannad kasta si gaar ah loogu maamuusaa mid ka mid ah waddamada caalamka oo dhaqankiisa iyo hiddihiisa wax laga barto, waxaana loo asteeyaa mowduuc gaar ah oo sannad kasta  hal-ku-dheg looga dhigo bandhigga.

Waddanka Masar ayaa ahaa martida gaar ah ee lagu maamuusay bandhiggii ugu dambeeyey carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, waxaana ka horeeyey dalalka Jabuuti (2012), Boqortooyada Ingiriiska (2013), Malawi (2014), Nigeria (2015), Ghana (2016), South Africa (2017) iyo Rwanda (2018).

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay la qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay munaasibad-dhaqameedka ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

#Mustafe_Janaale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com