Puntland Oo Ka Hortimid Go’aanka Dawlada Federaalka Soomaaliya  Ay ku Doonayso In La joojiyo Shaqada Xafiiska Siyaasada Ee UNSOM

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir

Puntland(Hayaannews): Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hor yimi go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu baabi’iyo xafiiska UNSOM, ku na tilmaamtay, go’aan aan laga fiirsan oo qar iska xoornimo ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay BBC Soomaali, ayaa u sheegay in xafiiska xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM, uu kaalin muuqata ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay, xilligan, in aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, sidaas darteed wuxuu tilmaamey in xafiiska UNSOM, door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda  iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya.

“Xasan isagaa maalin kaste looga yeeraa Xallane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaan ka maarannaa? Dowlad ma jirtaa baa meesha taalla,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir

Wuxuu xussy in xafiiska UNSOM uu fududeeyo wada hadalada iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee mar walba dhexmara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Wuxuu sheegay haddii doorkooda la waayo in tiirarka dowladnimada Soomaaliya ay meesha ka baxayaan.