Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray Awaamiir
October 4, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews):-
Ra’iisal-wasaaraha la ansixiyey ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo aan weli
Xukuumadda laga sugayo soo dhisin, ayaa faray golaha wasiirrada Xukuumaddii
kalsoonida Baarlamaanku kala noqday ee weli xilka sii hayaa inay tallaabo kasta
oo ay qaadayaan las oo wadaagaan Xafiiskiisa, si loo dhawro nidaamka xeer ee
loo dejiyay xubnahan ku-simayaasha ah.
Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in
aan la aqbalidoonin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa habraaca la dajiyay,
wuxuuna ku wargaliyay inay muujiyaan waxqabad miro-dhal ah inta uu gole cusub
kasoo dhisayo.
Waa amarkii ugu horeeyay ee kasoo
baxa raysal wasaaraha cusub oo dhawaan laga sugayo inuu soo magacaabo gole
wasiirro oo xilka kala wareega kuwa hadda jira ee muddada ku shaqeynayay xil
sii hayayaal.
Amarka Ra’iisal-wasaaraha
Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku soo saaray Ku-simayaasha wasiirrada, waxa
uu u dhignaa sidatan:-
Geesta kale, Ra’iisal-wasaaraha
Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isla Axaddii maanta markii uu amarkaa
warbaahintu heshay soo saaray ka dib, waxa uu safarkiisii ugu horreeyey intii
xilka loo dhiibay ugu ambababaxay dalka Kuwait,
waxaanu Shacabka iyo Dowladda dalkaas uga tacsiyadeeyey geeridii ku
timid Boqorkii hoggaaminayey Kuwait, dhammaadka toddobaadkii hore.
War ka soo baxay Xafiiska
Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta
aftahannews, ayaa lagu yidhi; “Rooble wuxuu la kulmi doonaa Boqorka cusub ee
Kuwait Sheekh Nawaf al-Ahmed al-Saba.”
Boqorkii hore ee dalkaas, ayaa geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd 91 jir, waxaanu ku dhintay dalka Mareykanka maalmo ka hor.
Ra’iisal-wasaare Rooble, ayaa Madaxda dalka Kuwait kala hadli doona qorshaha deyn-cafinta Soomaaliya iyo sidii taageero looga siin lahaa, sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya SOLLA.