Raysal-wasaare Ku-xigeenkii Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Oo Cafis Ku Yimi Magaalada Hargeysa
October 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Maxamed
Cumar Carte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya, isla markaana Raysal-wasaare ku-xigeen ka soo noqday
Soomaaliya xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay soo gaadhay
magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
ka aqbalay Codsi uu Cafis kaga soo dalbaday.
Hase-ahaatee, Maxamed Cumar Carte
oo Hargeysa ay weriyeyaasha qaarkood kula kulmeen maanta, ayaa ka gaabsaday
inuu ka hadlo imashadiisa iyo saamaxaaddiisa toona. Hase-yeeshee, ujeedka uu u
yimi Hargeysa oo ay Qoyskiisu deggan yihiin, ayaa ah Aabbihii Cumar Carte
Qaalib oo Hargeysa ku xanuunsanaya.
Qoraal aan si rasmi ah
madaxtooyadu u baahin, balse si dadban warbaahinta qaarkeed loola wadaagay
maanta, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi aqbalay dalab
saamaaxaad uu ku doonayo Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu la tashi kala
sameeyey xeer-ilaalinta guud ee qaranka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso.
Waxa sidoo kale, Wareegtada
saamaxaadda ee Madaxweyne Biixi lagu sheegay in Maxamed uu ka noqday mabdi’ii
hore ee uu aamminsanaa ee midnimada Soomaaliweyn. Hase-yeeshee, weli dhankiisa
kama soo bixin wax war ah oo la xidhiidha inuu iska casilay Baarlamaanka
Soomaaliya iyo arrintaas imashadiisa midna.
Dowladda Somaliland, ayaa hore sharci uga soo saartay Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee xilal ka qabta Soomaaliya, kaas oo waajibinaya inaanay dalka dib ugu soo noqon karin, illaa ay ka noqdaan mabda’ooda, isla markaana soo dalbadaan in la cafiyo, cafiskaasna waxaa fidin kara keliya Madaxweynaha.