“Runtii MucaarId Adagna Ma jiro Muxaafid Adagna Ma jiro,.. Markaas Siyaasadii Waxay Noqotay………” Faadumo Siciid
October 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Marwo Faadumo
Siciid; xoghayihii arimaha dibda ee
xisbiga Waddani ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah xilka iyo xubinnimada
xisbigaasba ay isaga casishay. Marwo
Faadumo Siciid ayaa is casilaadeeda ku sababaysay in dhibaatooyinka Somaliland
oo aad isu biirsaday mucaarad iyo xukuumadiba aanay diyaar u ahayn in wax laga
qabto taas badalkeedana xisbiyada dalku ay ku mashquulsan yihiin yooyootan
hoose, waxaanay iyada oo warbaahinta kula hadlaysa gurigeeda ay is casilaadeeda
ugu dhawaaqday sidan “Maanta waxaan iska casilay xilkii aan u hayay xoghayaha
arimaha dibada ee xisbiga Waddani iyo xubinnimadiiba, ma jecli meel aan ka
tagaayo inaan wax ka sheego waayo dad faro badan oo aan asxaab nahay oo aan
walaalo nahay ayaa ku jira, meeshaad intaas oo dhan joogtay inaad war xun
tidhaahdid waa xaaraan.”
Intaas kadib waxay ka hadashay
sababta ay isku casishay “waxaan arkay uun in marxaladan dalku ku jiro sidii
loo baahnaa in loo waajaho in aynaan u waajahayn tobanbkii sanadood ee ugu
danbeeyay waxyaabo badan ayaa ku soo kordhay Somaliland oo aan wada fiicnayn haday tahay Sanaag Bari
waxa ka socda,Ceel-afweyn,maanta oo aan 30 sanadood ka soo wareegnay oo
baarlamaankii iyo guurtidii ay leeyihiin maamul gobaleed ayaanu tagaynaa
caleema saarkii, haday tahay sicirbararkii oo wax alle iyo wax aynu ka qaban karaynaa
aanay jirin oo aynu arkayno dadweynaheenii oo dadweyne ka wanaagsan oo ka
sharaf badan oo ka samir badan aanay jirin oo maanta 75% ay beerka dhulka ku
hayaan oo maciishadii ay cirka isku shareertay oo ay jaqaf yar oo dhuxul ah ay
iibsan kari waayeen danyartii buulalka ku jirtay oo bilaa biyo ah, markaan
sidaas u eegay ayaan siyaasadeeniina
eegay maanta waxay ahayd maalinta caqliga wanaagsani uu shaqayn lahaa in
mucaarad iyo muxaafid,guurti iyo baarlamaan iyo waxgarad inay gacmaha
isqabsadaan oo ay yidhaahdaan maxaan qarankeena ku badbaadinaa.”
Waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Intaan arimahaas iska kaashan lahayn ayaan inagu yooyotan hoose ku jirnaa runtii mucaarad adagna ma jiro muxaafid adagna ma jiro markaas siyaasadii waxay noqotay wax aan lagu milmiba karayn,inta aan tilifoon habeen oo dhan qabsano intii aan maxaa la yidhi odhan lahayn oo aanan waxba ka qaban karayn in aanan hurdada isa seejin cirana aanay igaga soo bixin wax aanan waxba ka qaban karayn waan tashaday markaas waxaan is idhi malaa Faadumooy waxa kuu fiican inaad siyaasada xisbiyadaba aad iskaga baxdid,xisbigii Waddani waan isku garan waayay oo siyaasadiisa ayaan isku garan waayay, siyaasada geedi socodkii aan ka rabnay waan ka arki waayay dad aanu ceesh ow milix ahayn intaanu is qabsan lahayn waxay ila eegaatay uun inaan iskaga fadhiisto, waxii aan dhalinyarada awlba u qaban jirayna aan u qabto waxaan hablaha isla baaltaagi jirayna aan isla baal taago qarankaygana waxii aan u qaban lahaa cod dheer iyo mid gaabanba aan ugu shaqeeyo,laakiin aan siyaasi madaxbanaan oo xor u ah fikirkeeda inaan noqdo.”