Russia iyo Iran Oo isku Dayey Farogalinta Doorashada Mareykanka
October 22, 2020 - Written by admin
Washington(Hayaannews): Agaasimaha
hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay
in dowladaha Russia iyo Iran ay labadaba isku dayeen inay soo faragaliyaan
doorashada madaxtinimo ee Mareyakanka ee 2020-ka.
Ratcliffe oo ka hadlayay shir
jaraa’id oo si deg deg ah loo soo abaabulay, ayaa sheegay in Mareyaknka uu
lacago dul saari doono waddan kasta oo shihseeye oo soo faragaliya doorashada
Mareaykanka ee 2020-ka, iyadoo uu shirka jaraa’id ku wehliyay agaasimaha
hay’adda FBI-da Chris Wray.
“Waxaan xaqiijinnay in qaar ka
mid ah macluumadka diiwaangalinta cod bixiyeyaasha ay heleen Iran, iyo si qaas
ah Russia,” ayuu yiri Ratcliffe intii lagu guda jiray shirka jaraa’id,
Wuxuu sheegay inay arkeen
Email-lo ay dirtay Iran oo loogu talagalay in lagu qalqalgaliyo cod
bixiyeyaasha, kicin bulsho iyo in lagu dhaawaco madaxweyne Donald Trump.
Hadalka madaxa sirdoonka ee Mareykanka ayaa imanaya iyadoo doorashada madaxtinimo ee Mareayknka ay ka harsan tahay laba todobaad oo kaliya, jilayaasha shisheeyahana ay raadinayan habab ay kusoo faragaliyaan doorashada si natiijada ay waddadeeda uga weeciyaan.