Sacuudiga Oo Fasaxay Tegitaanka Cumrada Oo Xaalad Loo Xayiray
October 4, 2020 - Written by admin
Makkah(Hayaannews):- Dad aad u
tiro yar, oo kooban oo ku lebisan dharka cadcad ee astaanta u ah xujeyda
muslimiinta ayaa Axadda maanta ah ku dawaafay goobta ugu barakeysan Islaamka ee
Makka, ka dib markii Sacuudi Carabiya ay ka qaadday xayiraadaha loo soo rogay
xakameynta coronavirus ee muddo bilo ah socday.
Boqortooyada ayaa horaantii
bishii March qaadatay talaabada dhifka ah ee ay ku joojisay gudashada “Cumrada”
kaasi oo sanadkiiba ay malaayiin Muslimiin ah uga yimaadaan dunida oo dhan.
Iyadoo wadamo badan ay haatan
bilaabeen in ay khafiifiyaan xayiraadahaas, dowladda Sucuudiga ayaa Axadda
maanta ah bilowday in ay u oggolaato ugu badnaan 6,000 oo xujey ah maalin kasta
in ay galaan Masaajidka weyn ee Maka. Kaliya muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka
deggan dalkaasi ayaa loo oggolaan doonaa in ay galaan masjidka inta lagu guda
jiro wajigan koowaad ee dib u furista, qof walbana wuxuu heystaa ilaa seddex
saacadood oo uu ku soo gudanayo cumrada.
TV-ga dowladda ayaa Axaddii soo bandhigay wax u muuqday dad ka yar 50 qof oo ku dawaafaya Kacbada islamar ahaantaana kala fog dhowr mitir. Caadi ahaan, masaajidka ayay buuxdhaafiyaan xujeyda kakala yimid dunida oo dhan oo aad isugu dhow maalin iyo habeen kasta xilliga gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada.
Wajiga labaad ee dabcinta
xayiraadaha Masjidka weyn ayaa dhaqan galayaa 18- October, taasi oo u
oggolaanaysa ugu badnaan 15,000 oo xujey ah iyo 40,000 oo qof oo ku tukaneysa
kuwaasi oo ka imanaya gudaha Sacuudiga iyadoo lagu saleynayo waqtiyada loogu
talagalay oo laga dalban karo app- arrimahan loo sameeyey.