Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya Oo Kulan La Yeeshay Guddiga Doorashooyinka Somaliland
May 14, 2019 - Written by admin
“Wakiilka iyo komishanka ayaa ka wada hadlay arrimo ku
saabsa dimoquraadiyaynta iyo doorashooyinka Somaliland”…
Hargaysa (Hayaannews): Safiirka dawladda Ingiriiska u
fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Mr. Ben Fender, oo booqasho gaaban
ku yimi Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka
ee Somaliland.Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta komishanka doorashooyinka
qaranka Somaliland ee magaalada Hargaysa, ayaa labada dhinac waxay kaga wada
hadleen arrimo khuseeya doorashooyinka soo socda ee Somaliland.
Sidaasina waxaa lagu
sheegay war kooban oo lagu baahiyay bogga ay Internet-ka ku leeyihiin
komishanka doorashooyinka Somaliland.
Warkaasina waxa uu u dhignaa sidan “Mr. Ben Fender (safiirka
UK ee Soomaaliya) iyo komishanka ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan
geeddi-socodka dimuquraadiyaynta ee Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka
qorshaysan bisha December, 2019 ee golaha Wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee
la qaban doono dhammaadka sannadkan”.
Geesta kale ma jiro wax faahfaahina oo ku saabsan waxyaabihii ay labadda dhinac ka wada hadleen, marka laga reebo warkaa kooban ee ay guddiga doorashooyinku ku baahiyeen boggoodda Internet-ka.
Hase yeeshee, dawladda Ingiriiska ayaa kaalinta hore kaga jirta dawlaaha reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera dhaqaale ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dimoqraadiyadda.