Salaadiinta Beelweynta ARAB Oo U Hanjabay Dawlada Jabuuti, Fariina U Direy Madaxweyne Biixi

“Madaxweyne Biixiyoow Dalkan Ma Jabuuti ayaa laga Xukuumaa” Suldaan Cumar

Hargeisa(Hayaannews): Salaadiinta Beel-weynta ARAB ayaa si weyn uga dhiidhiiyey dacwad dawlada Jabuuti si sharci-darro ah uga furatay Maxkamadda Somaliland ee Hargeisa.

Salaadiintan oo kala ahaa Suldaanka guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdilaahi Laydh, Suldaan Hadhiye,kuwaas oo dhammaantood si isku mida u sheegay inaanay aqbalayn sifada sharci-ddarada ah ee ay xukuumadda Jabuuti dacwada ugu furatay Magaalada Hargeysa, taas oo ay si indho la’aana dabada uga riixayaan dacwada lagu soo oogai Ganacsade Axmed Cismaan Geelle