“Saxiibada Somaliland iyo Somalia Waxay Inaga Rabaan In La Wadahadlo” Cabdikariin Axmed Mooge

Waan hambalyaynayaa safarka Madaxweynaha ee Itoobiya, sidoo kale waxaan aaminsanahay oon tageersanahay in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia, in la sii wadaa wadahadalada waxay ka mid ahayeen waxyalihii lagu heeshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Istanbul,Turkiga.

Aduunka iyo gaar ahaan saxiibada Somaliland iyo Somalia waxay inaga rabaan in la wadahadlo, waana tii keentay in kulamo ku dhex maraan Somalia iyo Somaliland wadamada Ingiriiska, Jabouti iyo kii ugu danbeeyay ee dhacay Turkiga, inkastoo hakad ku yimi wadahadalada in mudo ah, In dib loo bilaabana wadahalada waa daruuri iyo danta labada dhinac!

Waxaan qabaa in la soo dhaweeyo lana tageero wadahadaladu in ay dib u bilaabmaan.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland