Shir Lagu soo Bandhigay Hirgelinta Nidaamka Casriga ah ee loo Maamulayo Dacwadaha iyo Kiisaska ka Dhaca Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo faahfaahin ka bixiyey faa’iidooyinka ku jira ku dhaqanka iyo hirgelinta nidaamkan casriga ee lagu maamulayo dacwadaha kala duwan

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa qabtay kulan lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka casriga ah ee loo maamulayo dacwadaha kala duwan ee soo gala dalka, nidaamkaas oo loo yaqaan CMS (Case Management System).

Kulankan oo ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caddaaladda, Teliyeyaasha Booliska, Ciidanka Asluubta, hay’adaha garsoorka iyo saraakiil kale oo dowladeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in nidaamkan casriga ah yahay mid la doonayo in lagu maamulo dacwadaha, kana wada faa’iidaystaan dhammaanba hay’adaha caddaaladda iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.
“Nidaamka maamulidda dacwadaha (Case Management System) oo ahaa in la casriyeeyo oo loo beddelo nidaam casri ah, isla markaana ay hay’adaha oo dhan ama hay’adaha isku xidhan ee ka soo bilaabma booliska, soo mara Maxkamadaha ee ku dhammaata xabsiga ay uga faa’iidaystaan, markaa ujeedada maanta (shirka shalay) ugu muhiimsan waxa weeyaan sidii uu nidaamkaasi uga hirgalay Maxkamadaha dalka ayaannu idiin soo bandhigaynaa iyo sida uu ugu xidhmay Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Xabsiyada, kadibna marka aynu taas eegno qodobka labaad ee aannu ujeedada ka leedahay waa sidii loo sii ballaadhin lahaa oo ilayn dambigu meel ayuu ka soo bilaabmaa ama ka soo galaa dalka (entery point), meelna wuu ku dhammaadaa oo kiiska dambiga ah waxa uu ka soo bilaabmaa waa booliska oo soo gudbiya, waxaannu ku dhammaadaa xabsiyada, booliskuna waa hay’adda u horaysa ee marka u horaysaba dambiyada qabata ama baadha, markaa silsiladeennaasi marka horeba waynu isku xidhnayn oo waynu wada shaqayn jirnay, laakiin nidaamkan casriyeynta ah ee la adeegsanayo tignoolojiga casriga ah ee xogta la kaydinayo (data) oo laga faa’iidaysanayo, isla markaana aynu la jaanqaadayno dunida sidii aynu mid wax-ku-ool ah uga dhigi lahayn weeyaan ujeedadu,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxaannu intaas ku daray; “Mar labaadka marka aynu xogtaas helno, waxa haddana imanaysa sidee ayeynu u sii xoojinaa?

Guddoomiyaha oo soo bandhigay faa’iidooyinka uu nidaankani leeyahay waxa uu yidhi; “Faa’iidooyinka oo nidaankani leeyahay waxa ka mid ah in la helo macluumaad iyo xog sax ah (data) iyo in la ogaado jihadda ay dambiyadu u socdaan (crime directions) ama nooca ay dambiyadu u badan yihiin oo marka xogta saxda ah la helo waxa la ogaanayaa noocee ayaa dambiyada ugu badan?, qaybahooda iyo ablo-ablaynta dambiyadaas, kadibna hay’adaheennan caddaaladda ee isku xidhan taasi maaha shaqadeena ee innagu waa in aynu la tacaalno dambiga, laakiin hay’adihii kale ee qaranka ayaa ka faa’iidaysanaya nidaamkan casriga ah, sida hay’adaha qaabilsan arrimaha bulshada, kuwa dhaqaalaha, hay’adaha waxbarashada, ayaa ka faa’iidan doona, waayo marka la ogaado waxa ugu badan dambiyada abaabulayn ee dhallinyaradu samayso (gangs) oo marka tiro-koobku soo baxo ee aynu xogtii (data) helno waxa loo gudbinayaa qaranka oo dhan, kadibna waxa la odhanayaa maxaa sababay dambiyadan da’yartu ku kacayso? Ma tacliinta ayaa fashilantay? Ma dhinaca waalidkaa? Ma bulshadaa oo ma adeegyadii bulshada ayaa liita? Markaa macluumaadka iyo xogtaas ka soo baxaysaa waa u muhiim qaranka Somaliland.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan casriga ah ee maamulka dambiyadu (case management system) uu hadda si fiican uga shaqeeyo Maxkamadaha dalka, isagoo xusay in hawlwadeennada Maxkamadda Sare lagu wada tababaray habkan casriga ah, isla markaana la bilaabay hirgelinta nidaamkaas casriga ah, waxaannu sidoo kale iftiimiyey inuu ka hirgalay Maxkamadaha hoose, halka Xeer-ilaalintana qaab tijaabo ah looga bilaabay, sidoo kalena Boolisku yahay meesha laga soo bilaabay nidaamkan casriga ah.

Waxa kaloo shirkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in nidaamkan casriga ah ee Nidaamka maamulidda dacwadaha (Case Management System) uu yahay mid faa’iido u leh qaranka Somaliland, isagoo xusay in dhaqangelinta habkan casriga ah uu ku xidhan yahay hadba sida loo tayeeyo, loona awoodeeyo hay’adaha caddaaladda iyo nidaamka dowliga ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa caddeeyey in boolisku ku shaqeeyo nidaam macluumaad ururin iyo falanqayn ah (statistics), waxaannu yidhi; “Dambiyada dhaca bil walba waannu kaydinaa, waana la qoraa, noocyada ay yihiin, wixii dambi ah ee la xukumay, waxa ay baadhistoodu socoto, wixii beenoobayba. Markaa waxa aannu u baahannay oo baahidayadu ay tahay in dambi-baadhayaasha lagu tababaro nidaamkan, si habkan ay Maxkamaduhu ugu shaqeeyaan oo kale.”
Waxa kaloo uu Taliyaha Boolisku intaas ku daray; “Nidaamkan casriga ah waxa uu faa’iido ku leeyahay halka Maxkamadda marka aannu kiisaska u soo gudbino aannu ka odhanayno imisa ayaa la xukumay? Marka habkan la hirgeliyo nidaamkan tignoolojiga ah ee casriga ah ayaa laga wada daawanayaa oo lagala soconayaa kolba halka ay kiisasku marayaan oo marka aannu eedaysanayaasha keeno Xeer-ilaalinta ee ay Xeer-ilaalintuna horgayso Maxkamadda halkan ayaa laga wada daawanayaa, waana wax aad iyo aad faa’iido weyn u ah. Imminka faraha (fingerprint) horumar ayey ka gaadheen boolisku oo haddii qofka dambiilaha ah uu is yidhaahdo magaca beddel ama da’da beddel waxa xogtiisii laga helayaa nidaamkan kaydka xogta ee casriga ah, markaa dambiiluhu ma baxsan karo, taasna imminka boolisku meel fiican ayuu ka marayaa, waayo eedaysanuhu haddii uu dambi galay muddo toban sanno ka hor ah oo uu tobankaas sanno kadib is yidhaahdo magacii beddel waxa ay xogtiisu ka soo baxaysaa farihii laga hayey ee kaydsanaa,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Cabdiqanni Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isna kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaannu yidhi; “Waxa aan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda uga mahadnaqayaa kulankan uu noo sameeyey oo ah kulan ku saabsan nidaamka maamulista dacwadaha (case management system), kaasoo ah mid laf-dhabar ah oo muhiim ah, kana soo bilaabmay Maxkamadaha, isla markaana la soo waday muddo saddex sanno ah, waanan soo dhawaynaynaa cid kasta oo ka qaybqaadatay ama gacan ka gaysatay, waanan uga mahadcelinaynaa bilawgaas iyo curintaas wanaagsan ee ay sameeyeenba.”

Waxa kaloo uu Wasiirku intaas ku daray; “Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, horta nidaamka dowladeed ee dalka Somaliland waa mid gacmaha is wada haysta ee maaha in mid qudha ama waax kaliya ay dhinac ka horumarto, laakiin haddana si wada-jir ah ayaa looga wada qaybgelayaa oo anagu haddii aannu nahay Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta waxa aannu isku aragnaa ama aannu is leenahay qeexid ahaan in aannu nahay sanduuqii caddaaladda, markaa hannaankani faa’iido badan ayuu noo leeyahay oo waxa badan ayaannu ka ogaanaynaa, gaar ahaan cidda na soo gashay ee jeelasha ku jira iyo cid walba waxa ay ku xuman tahay, xiliga ay bixi doonto, markaa faa’iido badan ayuu u leeyahay dalka iyo dadkaba.”
Kulankan ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa shalay, waxa kaloo lagu falanqeeyey sidii looga wada faa’iidaysan lahaa hannaanka casriga ah ee loo maamulayo dacwadaha iyo habkan tignoolojiga ah ee loo adeegsanayo kaydinta xogaha iyo macluumaadka dambiyada kala duwan ee ka dhaca dalka Somaliland.