Siyaasi Cabdi Haybe Oo ku Baaqay in Gurmad La la Gaadho shacabka gobalka HAWD
February 20, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid
ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay xaalad
biyo yaraan ah oo ka jirta deegaanada gobalka Hawd.
Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey
Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweyne
Muuse Biixi, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Maanta (Shalay), waxaan
ka imid Baligubadle, Gumar, biyo yaraan baa jirta,biyihii Barkaduhuna wey
dhammaadeen, Baligubadle, iyo Tulooyinka ka sareeyaba biyo yaraan baa ka jirta
sida ina Cunaye, markaas Gobolkii Hawd biyo yaraan baahsan baa ka jirta,
Gobolka Hawdna waa laga reebay, wixii horumar ahaa, iyo wax ka qabashadii
baahiyaha aasaasiga ahaaba, xaggii Biyaha, Caafimaadkii, Waxbarashadii,
Waddooyinkii, Degmooyin toban ceel oo hore looga qaday, ayaa haddana Ceelal kale
loo dhagax dhigaya, haddana Gobolka Hawd iyo Deegaanada uu ka kooban yahayba,
Ceel lagama qodin, waxaana u kaw ah Ceelkaas imika laga qoday Gumar, oo
xoolihii oo dhami sidaas u dultuman
yihiin, Ceelkii Banka laga qodaayey isna uu cadiban yahay, bishii sideeda sidii
loo bilaabay halkii buu fadhiyaa, oo wax laga qabtay ma jirto, Madaxweyne Biixi
waxaa looga fadhiyaa Gobolka Hawd wuxuu xaq u leeyahay inuu siiyo, in Gobolada
qaarna loo qodo tobanaan ceel, Gobolka Hawdna aan xitta MCH qudha aan laga sameeynin,
wadona aan laga sameeynin, cadaalad maaha,ee Xukuumaddii Sillaanyo iyo
Xukuumadda Muuse Biixi, laduba wey iska indho tireen Gobolka Hawd, waxaan
leeyahay Gobolka Hawd taariikhda uu ku leeyahay jiritaanka Somaliland iyo
halgankii dalka lagu xoriyey wax qarsoon maaha, ee Madaxweyne Gobolka Hawd dal
kale kuma yaalo, ee waxay xaqa u leeyahay ee ah mashaariicaha horumarinta ah
waa inuu helaa”.
Mar uu ka hadlaayey dhismaha Madaxtooyada cusub ayaa yidhi
“Madaxweyne iyadoo sicir barar jiro, oo biyo yaraan iyo cunta yaraani jiraan,
ma haboona inaad Madaxtooyada wakhtiga ka dhisto Xaafadaada, wax walba wakhti
ku munaasiba ayey leeyihiin, laakiin wakhtigani may ahayn wakhtigii Madaxtooyo
malaayiin lacag ahi ku baxayaan in la dhiso, iyada oo dadkeenii la dhibaataysan
yihiin biyo yaraan iyo cuna yaraan, sicir barar iyo dhaqaale daro, ee
Madaxweyne wuxuu khayrka iyo cadaaladu ku jiraan in malaayiinkaas lacagta ah ee
Madaxtooyada cusub ku baxaya inaad ku caawiso
dadkaaga dhibaataysan”
Mar uu ka hadlaayey Saxaafadda iyo Xukuumadda ayaa wuxuu yidhi “Wey jirtaa in Saxaafadda la cabudhiyo,
laakiin Saxaafadda waxaa looga baahan in aanay wax walba baahinin, haddii
Saxaafaddu xad gudub sameeyso, oo ay meel kaga dhacdo sharafta qofka, wax
wanaagsan maaha, sharci baa jira, ee Xukuumadda iyo Saxaafaddaba waxaa looga
bahan yahay inay ilaaliyaan Sharciga oo aanu midna xad gudub sameeynin”