Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ku Tilmaamay Xisbiyada Somaliland Inay La Mid Yihiin Xisbigii Hanti-Wadaaga Ee Mohamed Siyaad Barre
October 7, 2020 - Written by admin
Hargeysa, (Hayaannews)-Siyaasiga
Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa
eedaymo culus u jeediyay sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani.
Siyaasi Buubaa ayaa waxaa uu sheegay in qaab-dhismeedka siyaasadeed ee sadexda xisbi qaran ee Somaliland uu la mid yahay qaab-dhismeedkii xisbigii hantiwadaaga ahaa ee Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.