Siyaasi Maxamuud Jaamac Qoofal Oo Ka Dareen-Celiyey Xilka Loo Magacaabay.

Hargeysa(Hayaannews): Xisbiga KULMIYE ayaa maanta u magacaabay Maxamuud Jaamac Qoofal (DHUXUUNI) Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Maroodijeex.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay Guddoomiyaha Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)

Xisbi-yahan Maxamuud Jaamac Qoofal (DHUXUUNI) oo ay shabakada Wararka ee #Hayaannews wax ka weydiisay sida uu u arko xilkaasi loo magacaabay waxaanu u jawaabay? oo uu yidhi “Waan ku faraxsanay xilkaasi lay magacaabay, waxaanan uga mahad-celinayaa Madaxda Xisbiga KULMIYE ee xilkaasi ii garatay. waxaanan rajeynayaa inaan u guto xilkaasi lay magacaabay sidii loogu tallo-galay aan u guto.”

“Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu igu soo asturo xilkaasi lay magacaabay….”Ayuu yidhi Dhuxuuni.

Siyaasi Dhuxuuni waa Xisbiyahan u qalma xilkaasi loo magacaabay iyo mid ka sareeyaba, waxaanan ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu xilkaasi igu soo asturo.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com