Siyaasiyiin Caan Ah Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Aan Siyaabo Kala Duwan Uga Qayb Galayn Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga

Hargeysa(Hayaannews)-Siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaan sannadkan ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee shalay ka furmay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa shalay furay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu socdo laba maalmood, waxaana shirka ka qayb galaya ergo tiradoodu tahay 398 xubnood.

Hase yeeshee waxaan siyaabo kala duwan uga qayb galayn shirka golaha dhexe ee KULMIYE siyaasiyiin caan oo reer KULMIYE ah. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa waayay xubinimadii golaha dhexe, waxaanay u badanyihiin xubno wasiiro ka ahaa xukuumadii Siilaanyo oo golaha dhexe ku soo galay kursiga wasiirnimo, halka ay siyaasiyiin kalena uga maqanyihiin sababo aan la garanayn.

Siyaasiyiinta waayay xubinimada golaha dhexe ee hore ugu jiray golaha dhexe xilkii wasiirnimo ee ay hayeen waxa  badankooda la siiyay xubin goob-jooge ah oo aan shirka golaha dhexe ku lahayn wax cod iyo tallo ah.

Shakhsiyaadka  caanka ah ee KULMIYE ka tirsan ee wejiyadooda madasha laga waayay ee aan shirka ka qayb galayn waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, Samsam Cabdi Aadan. Saddexdan xubnood oo safaro dibadda ah ku maqan ayaa si weyn loo dareemay maqnaanshahooda maadaama oo ay ololihii doorashada si weyn uga dhex muuqdeen xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiinta kale ee xilalka wasiirnimo ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE, balse shirka Borama ku jooga xubno sharafeed, waxa ka mid ah Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), Cismaan Saxardiid Cadaani, Cali Siciid Raygal iyo xubno kale.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha shirka hadal ka jeediyay ayaa soo hadal qaaday siyaasiyiinta wasiirnimada ugu jiray golaha dhexe ee KULMIYE ee aan maanta haysan xubinimadii golaha dhexe , waxaanu sheegay in isaga iyo Xaglatoosiye aanay sidoo kale haysan xubinimada golaha dhexe laakiin ay buuxiyeen laba jago oo ka banaanaaday golaha dhexe, waxaanu sheegay inaanay jirin siyaasiiin gaar loo faquuqayaa.

Maxamuud Xaashi oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda.”