Siyaasiyiinta iyo Sifaddii Mukhtaar:!!!! Jamaal Cali Xuseen
October 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): “Waar Siyaasiyiintan haddaba waa yaabe
Ma Daayeeraddii Caasha Tuuggaa abaal daranaa” Waa Sheeko Xiisa Baddan oo uu
Jamaal Cali Xuseen soo bandhigay
Nin asxaabtayaddii hore ahaa oo ku koray Hargeysa Oo asal
aan ka soo jeeda gobolka Sool, intii danbena ka mid ahaa madaxda Khaatumo oo la
yidhaa Mukhtaar ayaa wuxuu sawir cajiib ah ka bixiyey Siyaasiyiinta Somalida
gaar ahaan kuwa Somaliland.
Wuxuu Igu yidhi sidatan “Berigii hore waxaa jiri jiray
magaaladda Hargeysa Daayeerad suuqa dhex wareegi jirtay Oo ay dadku ugu yeedhi
jireen ” Caasha Tuugo”. Haddaba Daayeeradaasi Waxay ku jab dhigtay
tusaale ahaan Oday suuqa iska maraya ayaa arkaya Daayeeradii iyadoo uu ciyaal
eryanaayo suuqa bartankiisa ka dib wuu ka naxayaa oo u hiilinayaa oo wuu ka
celinaya ciyaalkii ka dibna isla odaygii ciyaalka ka reebay bay isla isagii
cumaamaddii kala cararaysaa Oo dhibaateeynaysaa.” Mukhtaar isagoo hadalkii
sii wata ayuu haddana tusaale kale soo qabsaday Oo yidhi; ” Haddana isla
Daayeeraddii Caasha Tuugo iyadoo ciyaal eryanaayo ayaad arkaysaa Oo Waxay naf
la caarid ku soo gelaysaa Bakhaar ama meherad uu nin haysto, ninkii baa ku guntanaya
oo ciyaalkii ka celinaya.
Haddana ileyn waa caadadeedee Daayeeraddii ninkii bay xadaysaa Oo alaabtii Bakhaarka kala caraysaa.” Haddaba wuxuu Mukhtaar hadalkii ku soo jarayaa, Waar Siyaasiyiintan haddaba waa yaabe Ma Daayeeraddii Caasha Tuuggaa abaal daranaa?!!!!! Yaab