SOMALILAND: Afar Suxufi Oo Lagu Xidhay Gobolka AWADAL Iyo Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Xadhigooda.

Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa ka hadlay Afar Weriye oo shalay Sabtidii lagu xidhay magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo la sheegay in amarka Xadhiggooda uu bixiyey Maayerka Magaalada Boorama.

Guddooomiyaha SOLJA, waxa uu sheegay inaan xadhigga Weryeyaashan loo marin sharciga, isla markaana waxa uu ku baaqay in xorriyadooda loo celiyo Weriyayaasha, waxaanu soo jeediyey in waxa laga tabanayo loo maro dariiqa sharciga.

Guddoomiye Sakariye oo xadhigga Suxufiyiinta ka hadlaya, waxaannu Warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland