SOMALILAND: Bilowga Ololaha Nadaafadeed Ee Caasimada Hargeysa, Digniintii Maayor Cabdikariin Axmed Mooge Iyo Waanadii Sheekh Dirir.

“Waa balan inaan talaabo ka qaadi doono, Cida qashin Keenta Dooxa Hargeysa ee bulaacad ka dhigata….”Maayir Cabdikariin A. MOOGE.

Hargeysa(Hayaannews):Olole nadaafadeed ayaa maanta looga dareeray Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu Maayorka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan uu shaaciyay.

Ololahan nadaafadeed oo lagu nadiifinayay qashinka is-buuxiyay Dooxa weyn ee dhexmara Caasimada Hargeysa,oo marka aad eegto indhahaagu aanay jeclaysanayn qashinka is-buux dhaafiyay, waxa ka soo qebgalay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdirakiin Axmed Mooge oo hogaaminayey Xildhibaanada iyo shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargeysa, Sheekh Maxamed Cumar (Dirir) iyo qaar ka mida dhalinyaro fara baddan oo caasimada Hargeysa.

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo horkacaayey olalaha nadaafadeed ayaa sheegay in talaabo adag lagu qaadi dooni cidi isku dayda inay wasakhayso Dooxa iyo guud ahaan Magaalada: ”Reer Hargeysoow dhaqankiina wax ka badala, ka maanta aaminsan in Dooxa qashinka laga nadiifiyay inuu caawa Bulaacad ka dhigan karo oo qashinka keenayo waa balan inaan talaabo ka qaadi doono, galinka dambena waa la sii wadayaa shaqada “.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mida Culimada waa weyn ee Somaliland, ayaa waxa uu ka hadlay nadaafada iyo waxay diintu ka qabto, waxaanu yidhi“Marka hore ILAAHAY ayaynu u mahad-naqaynaa oo ina siiyay wax baddan oo Nimco ah. Marka labaad waxa mahadsan madaxda isku xil-qaamay waajibkii umadda ka saarnaa, ee ay ballan-qaadeen, oo ay kow ka tahay nadaafadu. Waxaynu leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ILAAHAY-na xilka ha idinku asturo”.#Hayaannews

“Anigu waxaan halkan u imi inaan dhiiri-geliyo hawshan, oo aynu muujino inaynaan u kala hadhsanayn, nadaafada waddanka oo ay dadku qudhunka iyo gudaafada iska xaadhaan”.Ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Sheekh Dirir oo ka hadlayay Diinta Islaamku waxay ka tidhi Nadaafada, waxaanu yidhi “Diinteenu waa diinta nadaafada, oo marka aad akhrido aayadaha ka waramaya nadaafada iyo xadiista saxeexa ee ku soo arooray, Kutub ayaa laga alifi karaa,waxa ILAAHAY qur’aanka ku xusay inay dadku nadiifiyaan jidhkooda, maradooda iyo deegaankooda, inuu ILAAHAY ku jeclaanayo.Waxaynu u soconaana waa waxa uu ILAAHAY inagu jeclaanayo. Dadka toobada keenana ILAAHAY wuu jecel-yahay ee qalbigooda nadiifiya iyo kuwa deegaankooda nadiifiya”.

“Nabigeenu CSW waxa uu xusay Nadaafada aynu nadiifinayno deegaankeena, jidhkeena, dharkeena iyo guryaheena, inay iimaanka ka mid tahay. Dahaaradu waa iimaanka badhkii, ayuu yidhi Nebigeenii SCW. Inaad maal-bixiso waxa la mida inaad umadda deegaankooda iyo jidadkooda xashiishka ka nadiifiso waa sadaqa. Nabegu waxa uu xusay inuu Iimaankeenu uu kor-u-kacayo markaynu nafaada ka qeybqaadanayno.”.Ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidh“Dadkan qudhinkii iska barkanaya ee iska dugsanaya waa arrin gobanimo-darro ah,..Waxaan jeclaa  madaxda waaweyn ee dawlada dhexena inay yimaadaan oo ay hormuud ka noqdaan, anigu waxaan u taaganay inaan tusaale u noqdo. Ee Aanu Wadaadkii noqonin Masaajidkii la nadiifiyay inuu tago, ee shaariciina uu yimaado. Dadku waxay u taagan yihiin kolba siday madaxdoodu yihiin. Waa nacasnimo dadku inay ka sugaan hay’ad gaalo ah oo yurub ka timi inay halkan “Dooxa-Hargeysa” ay u xaadho. In Xashiiska la xaadho oo la nadiifiyo maaha daciifnimo.”

Ololahan nadaafadeed ee ay dawlada hoose ee Caasimada Hargysi ay saaka ka bilowday Dooxa Weyn ee Caasimada Hargeysa, ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, isla markaana shacabku aad ula riyaaqeen, iyada oo halku dhiga ololahani ahaa “HARGEYSA NADIIFA”.

HALKAN KA DAAWO:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com