SOMALILAND: Dalkii lixaad Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay

Nairobi-(Hayaannews) Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa kula soo dhoweyn u qabtay  xildhibaanada cusub ee Beesha Barriga Afrika iyo Qunsulka guud ee Kenya u magacowday xafiiska Qunsuliyadooda ee Somaliland.

Sida lagu shaaciyey fariin Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ku baahisay barteeda Twitter ayaa lagu sheegay in Md Ababu Namwamba ayaa muxaadaro ka jeediyey hanaanka diblomaasiyadda Baarlamaanka.

“Md Namwamba ayaa   muxaadaro ku saabsan “Diblomaasiyadda Baarlamaanka” (Parlomacy) oo ah Qaabka Xidhiidhka Caalamiga ah “ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xidhayay mudanayaasha Kuliyadda Arrimaha Dibedda, oo goobjoog ahaa Sarkaalka cusub ee loo magacaabay inuu noqdo Qunsulka guud ee xafiiska Qunsuliyadda Kenya ay ku yeelanayso magaalada Hargeysa, Somaliland, wallow aan magaciina weli si rasmi ah Kenya u sheegin.

Wasiir-xigeen MdNamwamba  ayaa iftiimiyay taariikhda, qaababka, caqabadaha iyo qiimaha diblomaasiyadda ee xidhiidhka caalamka iyo doorka gaarka ah ee Kuliyadda Arrimaha Dibedda ee diyaarinta diblomaasiyiinta.”sida lagu sheegay fariinta Wasaaradda A Dibedda Kenya.

Shaacinta Qunsulka cusub ee Kenya ayaa noqonaya dalkii lixaad ee caalamka ee xafiis diblomaasiyadeed oo cusub ka furta caasimada Hargeysa, taasoo hore ugu lahaayeen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Turkiga, Taiwan, Imaaraadka Carabta, iyo dalka Ingiriiska oo leh xafiis qaabilsan iskaashiga labada dal.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland