SOMALILAND: Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Daah-furtay Qorshaha Guud Ee Maareynta Qashinka

Hareysa(Hayaannews): Waddamo baddan oo dalalka horumaray ee caalamka ah ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iidaysta qashinka ka soo baxa magaalooyinka.

Waxaanay dawladaha qaarkood u arkaan in qashinku uu yahay khayraad dihin oo bulshadda looga faa’iideeyo.

Noocyadda qashinku u kala baxo ee Adkaha iyo Darreeraha ah ayaana laga soo saaraa tamar koronto iyo waxyaabo kale.

Inkastoo dunidu ay siyaabo kala gedisan uga faa’iidaysato qashinka, hadana waxaa jira wadamo badan oo dalalka dunidda saddexaad ah in uu qashinku buuxo magaalooyinka.

Somaliland ayaana ka mida meelaha lagu tilmaamo in magaalooyinkoodda uu qashinku jidadka wadhan yahay, gaar ahaana caasimadda Hargaysa.

Waxaana jira dedaalo badan iyo isku dayo ay dawladda hoose ee Hargaysa ku doonayso sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa.

Maayarka caaaimadda Somaliland ee Hargaysa ayaana maanta daah-furtay qorshaha guud ee maaraynta qashinka caasimadda iyo nadaafadda.

Qorshahani ayaa loo diyaariyay in ay dawladda hoose ee Hargaysa ku hawl-geli doonto sanadaha 2020-ka ilaa 2022-ka.

Waxaana soo qaban-qaabisay dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda dawladda hoose.

“Qorshahani oo ah, maaraynta qashinka iyo nadaafadda, waxa uu wax weyn ka tari doonaa maaraynta qashinka iyo maaraynta nadaafadda caasimadda.

Sidoo kale waxa uu wax weyn ka tari doonaa, qorshaha guud ee caafimaadka” sidaasi waxaa yidhi Mubaarig Yuusuf, oo ah khabiirka ka soo shaqeeyay qorshahani.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Qorshahani waxa uu ku qotomaa, xeerka maaraynta qashinka ee magaallooyinka Somiland, oo la sameeyay sanadkii 2019-kii”.

Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Soltelco, oo qorshahaasi si rasmiya u daah-furay ayaa sheegay in ay horumar ka sameeyeen maaraynta qashinka mudadda ay xilka hayeen.

“Maaraynta qashinka horumar ayaan ka samaynay, marka loo eego sidii ay xaaladu ahayd markii hore. Wadooyinka magaaladda ayaa qashinka la dhigi jiray. Laakiin, arrintaa wax badan baan ka qabanay.

Dhinaca kale waxaanu isku daynay in aanu dhaqaale u raadino maaraynta qashinka.

Qof waliba wuxuu jecel yahay in uu gurrigiisu nadiif noqdo. Laakiin, in deegaankii ku xeernaa uu nadiif noqdo, waa arrin aad u muhiim ah” ayuu yidhi maayarka Hargaysa.

C/raxmaan Soltelco, oo hadalka sii watay ayaa tilmaamay in ay imika ku guulaysteen maaraynta qashunka qaybta darreeraha ah, kaasoo ay todobaadka danbe hawshiisa bilaabi doonaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu imika ku guulaysanay, qashinka qaybtiisa darreeraha ah, maamulistiisa, oo ay nagala shaqaynayso haayadda KFW. Waxaana ku baxaysa lacag hal milyan iyo dheeraad oo dollar ah. Hawshaasina waxay bilaabmaysaa todobaadka danbe, haddii Alle yidhaahdo”.

Geesta kale agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda iyo bilicda caasimadda ee dawladda hoose ee Hargaysa Khadar Yuusuf Cali, ayaa sheegay in sanad walba ay qiimayn ku sameeyan waxyaabaha uga hirgalay qprsheyaasha u dejisan ee maaraynta qashinka iyo nadaafadda.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan rejaynayaa in maxsuul fiicani uu ka soo bixi doonno.

Waxaanu sanadkiiba mar qiimaynaa, ma gaadhnay qorsheyaashii aan dejisanay? Mise, gal-daloolooyin?

Daraasado badan ayaa laga sameeyay maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa. Imika waxaan sugaynaa uun, cidii dhaqaale ahaan naga caawin lahayd”.

Dhinaca kale xubno ka socday shirkadaha ka shaqeeya maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in waayadan danbe ay bulshadu la fahantay hawlaha maaraynta qashinka.

Sidoo kale masuul u hadlay haayadda UNHABITAT ayaa tilmaamay in ay dawladda hoose ee Hargaysa kala shaqeeyaan barnaamijyadda maaraynta qashinka.

Shaacinta qorshaha maaraynta qashinka caasimadda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socday haayadda UNHABITAT, shirkadaha ka shaqeeya maaraynta qashinka caasimadda, aqoon yahano ka socday qaar ka mida jaamacadaha dalka iyo culimad-diin.