SOMALILAND: Gabadh Suxufiyada Oo Shaqada Laga Joojiyey Iyo Sababta Keentay.

Hargeysa(Hayaannews): Nimco Cabdi Wahaab Shirdoon, oo ka mid ahayd weriyayaasha muddo dheer ka tirsanayd Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland, ayaa shaqadii laga joojiyay,kadib markii qoraal soo dhigtay barteeda Facebook-ga, kaas oo ay taageero ugu muujisay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

“Muddo dhawayd waxa dhacday inay isku dhaceen, guddoomiyaha baarlamaanka dalkeena Somaliland iyo TV-ga qaranka, taasi oo ah sunaha dalkeena iyo dadkeena inay tahay wax caadiya oo laga heshiin karo…waxa dhacday in aan guddoomiye Khaliif sawirkiisa soo dhigay, waxa la i yidhi gaf ayaad ku kacday” ayey tidhi Nimco oo maanta la hadlaysay qaar ka mida Warbaahinta.

“Sawirkii iyo magacaygii oo isla socda, ayaa la keenay iyadoo laygu hanjabayo oo laygu ganaaxayo in aan shaqada qaranka meel kaga dhacay, Agaasimaha guud ayaa ii yeedhay, kadibna wuxuu iigu hanjabay ‘ma ogtahay Facebook-gaaga waxan aad soo dhigaysa inuu yahay khalad xeerna uu ku qabanayo”.

Iyada oo halkeeda sii wadatana waxay tidhi”Xalay waxa ila soo hadlay madaxa waaxdii aan hoostagayay, oo igu yidhi ‘Nimcoy madaxdii iga saraysay waxay ii sheegeen in shaqadii laga joojiyo’ “.

Qoraalka Nimco shaqada looga joojiyay ayaa ahaa mid ay taageero ugu muujisay Guddoomiye Khaliif xili uu khilaaf soo kala dhexgalay TV-ga Somaliland, “kuwii indhaha Hoos urogan jiray ee hacoo yada Ahaa baad rabtane kani waa halyay kudhac iyo ku dhiirashaba leh”

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland