SOMALILAND: Golaha Guurtidda Oo Wax ka Bedel ku Sameeyay Go’aankii Mudo kordhinta Golaha Wakiilladda

Hargaysa(Hayaannews):- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta fadhi aan caadi ahayn yeeshay ayaa is waafajiyay Wakhtiga ay gudiga Doorashooyinku u cayimeen qabsoomida Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka iyo Go’aankii hore Golaha guurtidu muddo kordhinta ugu sameeyey Golaha Wakiiladda.

Guddooomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shir-guddoominayay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee ay shalay isugu yimaadeen xildhibaanada golahaasi, waxaana kalfadhiga aan caadiga ahayn ka soo xadiray 79 mudane oo ka mida 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay, iyada oo saddexda mudane ee fadhiga ka baaqday ay ahaayeen kuwo xaaladdo caafimaad oo kala duwan uga baaqday.

Warbixin kooban

Waxa ay goluhu soo saareen in muddo xileedka golaha Wakiiladu ay ku eg tahay bil ka dib wakhtiga Doorashada la qabto.

Golaha Guurtida ayaa awood buuxda u siiyay Komishanka Doorashooyinka inay qabtaan Doorashada sannadkan Gudihiisa, iyaga oo dabarka ka furay muddooyinkii u cayina qabsoomida doorashada.

Gaga-gabadii waxaa nuxurku yahay in golaha guurtidu koomishanka fursad u siiyeen in wakhtigii ay doonaan ay qaban karaan doorashada, kana bilaabmaysa bisha labaad ee sannadkan.

Ga’aamadii Iswaafajinta Doorashooyinka

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa mudanayaasha golaha ka hor akhriyay qodobada sharci ee ay u cuskadeen wax ka baddelka ay ku sameeyeen muddo xileedka golaha wakiillada. “In dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada ee hadda ku fadhiya, kuna ee kaa 12/1/2022 laga bilaabo 2/2/2021 uu dhammaadka muddo xileedkoodu ku eeg yahay bil kadib maalinta ay qabsoonto doorashadoodu.

Go’aankani waxaa uu si gaara u khuseeya dhammaadka muddo xileedka golaha wakiillada oo kaliya, mana khuseeyo mana khuseeyo dhammaada muddo xileedka golaha guurtidda Somaliland.”

Cod-gelintii soo jeedintii guddida

Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa cod geliyay soo jeedinta guddida golahoodu u saaray qabsoomida doorashooyinka isku sidkan.

Waxaana xoghayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa natiijadii cod qaadista ku wareejiyay guddoomiye Saleebaan si uu ugu dhawaaqo natiijada rasmiga ah una xalaaleeyo.

Go’aankan waxaa uu goluhu ku ansixiyay kuna meel mariyay cod gacan taaga oo dhan 78 mudane, cid diiday ma jirto, cid ka aamustayna may jirin guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaana lagu xalaaleeyay go’aankaasi.

Bogaadintii Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen qabsoomidda xilliga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.

Hanbalyaddii asxaabta Qaranka ee guurtidda

Dhanka kale asxaabta saddexda xisbi Qaran ayaa hanbalyeeyay, go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadheen qabsoomida wakhtiga doorashooyinka isku-sidka