SOMALILAND: Golaha Wakiiladda Oo Laalay Wax-ka-beddel Xukuumaddu ku Samaysay Xeerka Tamatarta

Hargeysa (Hayaannews) Golaha wakiillada Somaliland, oo ku gudda kalfadhigoodii shan iyo afartanaad, ayaa kulan ayaanta soo xaadireen inta badan mudanayaasha golahasi, isla markaana uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaa ay xildibaanadii kulankaasi soo xaadiray ay ku laaleen wax ka baddel lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland oo maalmihii u danbeeyay horyaalay golahaasi.

Xeerkan oo ahaa mid ay golaha u soo gudbisay xukuumaddu ayay goluhu hore u ansixiyeen, isla markaana ay ku sameeyeen wax ka baddel iyo kaabis, mudanayaashi ka soo xaadiray fadhigaasi ayaa qodob qodob isu dultaagay wax ka baddelkii lagu sameeyay xeerkaasi.

Gebogabadii, Guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa mudanayaasha ka codsaday inay ansixyaan hal mar xeerka oo isku duuban, halkaasi oo 31-mudane u codeeyeen xeerkii hore, laba xildhibaana ay diideen, toban kalena ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in guud ahaanba ay laaleen golaha wakiilladu wax ka baddel iyo kaabistii lagu sameeyay xeerka tamarta Somaliland.

Guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay sidii loogu kala coddeeyay xeerka tamarta Somaliland waxaanu yidhi. “Kow iyo sodon xildhibaan ayaa ansixiyay, laba waa diiday, toban waa ka aamuseen guddoomiyuhuna muu coddeyn waxaanu xeerku ansax ku yahay sidii loogu kala coddeeyay,”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayaannewssoma@gmail.com