SOMALILAND: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Mudane Cusub Oo Ku Biiray Golaha Guurtida.

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Somaliland, ayaa maanta dhaariyay mudane cusub oo ku soo biiray Golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaanka oo buuxinaya boos ka bannaanaaday Golaha Guurtida, ayaa magaciisa la yidhaahdo Md Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, waxaanu maanta laga bilaabo noqon doonaa mudane ka tirsan Aqalka Sare ee Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka la dhaariyay ayaa buuxiyanaya boos uu dhawaan iska casilay Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil, taasi oo golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi.

Mudanaha iscasilay Cabdirashiid Xaashi Cabdi ayaa 10-kii June ee sannadkan loo dhaariyey xubinada Golaha Guurtida, kaddib markii uu geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo ay walaalo ahaayeen.

Balse Cabdirashiid Xaashi ayaa is-casilay 04 bishan July 2021 isagoo booska u banneeyey Mudane Mustafe Maxamed X. Daahir.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

#Mustafe_Janaale

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com