“Somaliland iyo Puntland Waxaan U Aqoonsannahay Inay Hoostagaan Soomaaliya” Ethiopia

Ethiopia(Hayaannews): Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madaxnbannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqda oo waan eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.

Tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay dalka Itoobiya ee xilka uu qabtay Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee labada dal.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegtay “In ay ka faa’ideyso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.

Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.

Yusuf Garaad oo ahaan jiray Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in “dowladda Soomaaliya aanay ka aamusin arrintan”

BBC Somali

Hayaannews, Office