Somaliland iyo Taiwan oo Kala Saxeexday Barnaamij Bulshada u Fududaynaya Adeegyada Dawladda

Hargaysa (Hayaannews): Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Sanduuqa horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan ayaa shalay kala saxeexday heshiis barnaamijka -Government.

Barnaamijka E-Government oo ay waddo wasaaradda Tignoolajiyadda Somaliland ayaa ka mid ah qorshayaasha fog ee wasaaradda ee sanadka 2019-2023-ka.

Kaasoo ujeedadiisu tahay sidii adeegyada dawladdu bixiso loogu soo dhawayn lahaa bulshadda, iyadoo loo marayo dariiq casri ah.

Barnaamijkaasi oo ay  Somaliland ka caawinayso dawladda Taiwan waxaa ka gacan siinaya wasaaradda Tignoolajiyadda  sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (Taiwan ICDF).

Waxaana heshiiskaasi dhinaca Somaliland u saxeexay agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, oo ay wehelinayeen safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Taiwan iyo masuuliyiin kale.

Halka dhinaca dawladda Taiwan ay heshiiska u saxeexeen saraakiil ka socday safaaradda Taiwan ee Hargaysa iyo xubno ka socday sanduuqa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Taiwan (Taiwan ICDF).

Heshiiskaasi ayaa ka kooban saddex dhinac oo kala ah mashruuca isku xidhka nidaamyadda dawladda, mashruuca tayaynta iyo xirfad siinta aqoonta ICT-ga ee dhalinyaradda iyo bulshadda iyo mashruuca maamulka shebekadda dawladda.

Sida ay sheegtay agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay dulucda heshiiskaasi.

“Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadu waxay samaysay barnaamijka E-government-ka sanadkii 2019-kii. Wadanka Taiwan waxaynu la samaynaynaa heshiis dhinaca tignoolajiaydda ah.

Heshiiskani wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood. Kuwaasoo kala ah mashruuca isku xidhka nidaamyadda dawladda.

Mashruuca tayaynta iyo xirfad siinta aqoonta ICT-ga ee dhalinyaradda iyo bulshadda iyo mashruuca maamulka shebekadda dawladda” ayay tidhi agaasimaha guud ee wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland.