“Somaliland jeegaan Danbe Ma Qaadi Karto “.Xildhibaan Guruuje,

Xildhibaan Ahmed Nour Guruje

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Ahmed Nour Guruje oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inaanay Somaliland qaadi doonin wax uu ku tilmaamay Jeegaan ama is-xulafeysi Siyaasadeed.

Xildhibaan Guruuje waa uu sida ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray maanta oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa

“Jeegaantu waa is bahaysi qabyaaladeed oo qabiilo xulifo u noqdaan si ay qabiilo kale isugu xulifaystaan waana dhaqan aan u wanaagsansanayn wadajirka iyo isku kalsoonida umadda.

Somaliland dhibka kasoo gaadhey nidaamka jeegaantu waa mid aan lagga soo kaban doonin  50 sanadood ee soo socda  , maxaa yeeley cuqdada iyo naxliga ka dhashey ayaa ah mid dadka aad u kala fogeeyey.

Xildhibaan Ahmed Nour Guruje

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka soo socda waxaa muhiima in lagga taxadiro wax kasta oo umadda kala fogayn kara gaar ahaan nidaamkii jeegaanta ee hore loogu burburay, maxaa yeeley somaliland jeegaan danbe ma qaadi karto , mana  xamili karto”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland