SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Guulaha Safarkii Kenya, Si Balaadhana Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Hargeysa

Hargeysa(Hayaannews);:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo wafti ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka.

Waxaana Madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

Waxaana weftiga madaxweynaha si balaadhan loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero tubnaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland