SOMALILAND: Madaxweyne Biixi oo Kormeer iyo Xadhig-ka-jaris ku sameeyey Mashaariic kala duwan oo Burco laga hirgeliyey
October 20, 2020 - Written by admin
Burco(Hayaannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Muuse Biixi oo gobolka Togdheer maalintii labaad ku jooga safar shaqo, ayaa
maanta kormeeray mashaariic kala duwan oo laga fuliyey gudaha magaalada Burco,
isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo laga hirgeliyey
goobo muhiim u ah adeegga dadweynaha reer Burco.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu
hoggaaminayo, ayaa kormeeray qaar kamid
ah xarumaha muhiimka ah ee xukuumaddu ku leedahay magaalada Burco oo ay kamid
yihiin xafiiska guddoomiyaha gobolka, dawladda hoose ee Burco, xafiisyada wasaaradaha
waxbarashada iyo horumarinta maaliyadda, cusbitaalka guud ee Burco, xarunta
wakaaladda Biyaha ee Burco iyo goob ganacsiyeed casri ah oo laga hirgeliyey
gudaha magaalada Burco oo ay maalgashadeen ganacsato reer Somaliland ahi,
waxana uu u kuurgalay hannaanka ay bulshada ugu adeegaan xafiisyada dawladda ee
magaaladu, isaga oo warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta qaranka u qaabilsan
xarumahaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas kusoo dhaweeyey.
Masuuliyiinta xarumaha uu madaxweynuhu booqday, ayaa ka
warbixiyey shaqooyinka maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, qorshahooda
mustaqbal iyo caqabadaha deriska la ah, waxana ay madaxweynaha ugaga
mahadnaqeen taageerada niyadsamida leh ee uu
la garab taagan yahay, isaga oo
madaxweynuhuna dhinaciisa ku dhiirrigeliyey masuuliyiinta inay sii
laban-laabaan shaqada ay bulshada u hayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa masuuliyiinta xafiisyada uu kormeeray ku ammaanay hawsha adag ee ay
qaranka u hayaan iyo sida ay xilka isaga saareen inay hawlaha qaranku si hufan
u fulaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad baan idiinku
bogaadinayaa hawsha ay ku dheehan tahay cilmigu iyo xoogga dhallinyarada ah ee
aad keenteen, ummadduna way idiinka mahadnaqaynaa, annaguna wixii hawl ah
madaxweyne, wasiir iyo gobolba waannu idin garab taagannahay, qofkii
shaqaynayana waannu ku qasbanahay inaannu garab galno.”
Kormeerka madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku sameeyeen
xarumaha dawladda, waxa ku lammaanaa xadhig-ka-jaris uu madaxweynuhu ku
sameeyey dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey xarunta wakaallada biyaha
Burco, cusbitaalka guud ee Burco iyo xarun-ganacsiyeedka casriga ah ee Daara-salaam Mall.
Intii ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu ku gudo jireen hawlahooda kormeerka iyo xadhig-ka-jarista, waxa shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco kusoo dhaweynayey qaybaha kala duwan ee bulshada reer Burco, kuwaas oo muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumadda uu hoggaamiyo.