SOMALILAND: Madaxweyne Biixi Oo Doorkooda Ku Bogaadiyay Warbaahinta Online-ka Ee Website-yada

“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyeen si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin….” Madaxweynaha Somaliland.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amaanay warbaahinta Somaliland kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-ka May 2021.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka, waxa uu warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka togan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka oo uu sheegay inay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.

“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday TV-yo yihiin, hadday Website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta.Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada adeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay kuwii Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Mareegaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa waxay ku midaysan yihiin Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association (SOMA), oo Guddiga Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen.

Warbaahinta Onlineka ah (Websites-ka), waxa ay kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga muraayadeed ee dunidda ka dheehato xaaladaha kala duwan ee gudaha Somaliland ka jira. #Hayaannews

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay qaabka ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada, waxaanu si gaar ah ugu ammaanay inay hirgeliyeen nidaam ku cusub hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey hawl-wadeennadii loo xil-saaray hawsha doorashooyinka oo badankooda laga soo dhex-xushay Ardayda Jaamacadaha dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay muujiyeen hufnaan iyo karti ay ku guteen hawsha qaran ee loo xil-saaray.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com