SOMALILAND Madaxweyne Biixi Oo  La Hadlay Dhigiisa Dalka Mareykanka  Mr Joe Biden

“jabinta kooxaha Xagjirka ah, Dhammaynta Colaadda Yemen, Dejinta xiisadda Itoobiya iyo ilaalinta Marin badeedka muhiimka..”Wargeyska Newsweek

Washington(#Hayaannews)-Madaxweynaha Somaliland ayaa maqaal Uu ku qoray wargeyska weyn ee Newsweek ee Maraykanka Waxa uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Madaxweynaha Maraykanka Mr Joe Biden siyaasaddiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan Geeska Afrika door muhiim ah ka siiyo iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweyne Biixi waxa uu qormadiisa ku lafo-guray caqabadaha ka jira gobolka Geeska oo dawladda Maraykanku danaynayso una soo diratay wakiillo laakiin, ay mudan tahay in arrintaas door laga siiyo Somaliland oo wax badan kala qaban karta Maraykanka danihiisa gobolka iyo guud ahaan ahmiyadda uu leeyahay iskaashi dhexmara Maraykanka iyo Somaliland.#Hayaannews

“In badani ma taqaan Beesha Caalamkuna ma aqoonsana, haddana Somaliland waxay ku guulaysatay meelo aanay qaar (dalal) badan ku guulaysan—iyada oo ay yar tahay taageerada ay ka hesho dalalka Qaadhaanka bixiya ama Shirkaddaha/hay’addaha caalamiga ah. Waxaanu qabsanay doorashooyin badan oo dimuquraaddi ah oo qof iyo cod ah, waxaanu dhulkayaga ka baajinay Argagixisada, waxaanu baddayada ka ilaalinay Budhcad badeeda, iyada oo aanu iska dhawrnay faro gelinta shisheeyaha oo kuwa kale (dalalka deriska) ee gobolku isu dhiibeen. Waxa aanu dhidibada u taagnay deggenaansho dhaqaale oo u kobcaya sida kaabeyaasha iyo warshadahayagu u korayaan una qaan-gaadhayaan,”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in 30-kii sano ee u dambeeyay Dunidu ka marag ahayd horumarka Somaliland halka dalal waaweyn iyo ku yaryar oo Afrika ah la daala dhacayaan muran dhuleed, dagaallo qoomiyadeed, kuwo diimeed.

Waxa uu tilmaamay isbedellada Somaliland samaysay kadib xorriyad kala soo noqoshada midawgii fashilmay ee Somalia, haddana ay ku naaloonayso horusocod dhaqaale iyo dimuqraaddiyad “Waxaa sharaf ii ah in aan ahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland ee si dimuqraaddi ah loo soo doortay. Guusha Somaliland waxa qayb ka ah is aamminsanaanta muwaadiniinta dhexdooda, taas oo marka ay wakhtigeeda timaaddo aan Madaxweynaha 6-aad xilka ku wareejin doono,’

Madaxweyne Biixi waxyaabaha uu sida weyn u hogo-tusaaleeyay waxa ka mid ah danaha Somaliland iyo Maraykanku iska kaashan karaan ee gobolka Geeska Afrika oo dawladda Maraykanku dano badan ka leedahay sidoo kalena ay jiraan faro gelin badan oo dalal Shiinuhu ka mid yahay oo si weyn u danaynaya gobolkan istaraatijiga ah, islamarkaana ay habboon tahay in Maraykanku kaashado Somaliland oo wax badan kala qaban karta danihiisa Geeska.

“Somaliland waxay sii wadaysa ilaalinta amniga dadkeeda iyo sugidda nabad galyada biyaheeda xeebta dhereran 850KM. Ciidamadayada Badda iyo Xuduudaha iyada oo ay tababaraan Ingiriiska iyo Midawga Yurub waxay diblamaasiyiintayadu soo dhawaynayaan in la helo iskaashi cusub oo dhanka Maraykanka ah. Taasi waxay wax ka taraysa jabinta kooxaha xagjirka ah, dhammaynta colaadda Yemen, dejinta xiisadda Itoobiya iyo ilaalinta Marin badeedka muhiimka ah ee ciidamada Badda iyo dhoofiyeyaasha Maraykanku ku tiirsan yihiin,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

East Africa’s Ray of Hope in a Challenging Year for Democracy

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com