Somaliland: Maxkamadda Sare oo ay Wehelinayeen Bahda Kale ee Garsoorka oo u Guuray Gobollada Galbeedka
March 14, 2019 - Written by editor editor
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo caddeeyey inay muddo bil ku dhaw hawlo shaqo u joogi doonaan Gobollaa Gabilay, Awdal iyo Salal + ujeedooyinka ka dambeeya go’aankan
Hargeysa (Hayaannews)- Maxkamadda Sare ee
Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka socda hay’adaha kale ee
garsoorka, gaar ahaan qaybta Maxkamadaha guur-guura (mobile courts), ayaa u
guuray degaannada Gobollada Galbeedka Somaliland, halkaas oo ay muddo
toddobaadyo ah ku sugnaan doonaan, isla markaana ku dhegaysan doonaan dacwadaha
kala duwan ee racfaanka hore looga qaatay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha
Guddida Caddaaladda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo saxaafadda
kula hadlay magaalada Gabilay shalay, ayaa si rasmi ah u shaaciyey in ujeedada
loogu guuray dhinaca Gobollada Galbeedku ay la xidhiidho sidii garsoorka iyo
caddaaladda loogu dhawayn lahaa bulshada, dacwadahana ku soo dhegaysan doonaan
goobaha magaalooyinka iyo miyiga ah ahba.
“Waxa aannu
iclaaminaynaa in Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ay u soo guurtay
Gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan qaybta la odhan jiray Maxkamadaha
guur-guura (mobile courts), iyadoo ka shaqayn doonta degaannada Gabilay, Awdal
iyo Salal, wixii maanta (shalay oo taariikhdu ahayd 13 March 2019) laga
bilaabana ay muddo bil ku dhaw ay gobolladaas mari doonto, kuna sugnaan doonto,
haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Maxkamadda Sare maaha
dhaqaaqaas ay mar uun guurayso, laakiin bil walba waxay u baxdaa degaannada ka
baxsan Caasimadda Hargeysa, balse imminka raritaankani waa Maxkamaddii Sare oo
dhammaystiran oo aan cid qudhi ka hadhin, ujeedada ugu wayn ee ay Maxkamaddu u
soo guurtayna waa in adeegyada garsoorka iyo caddaaladda loo soo dhaweeyo
bulshada, iyadoo ay bulshadu isugu jirto qayb dhaqaale haysata iyo qayb aan
dhaqaale haysan oo dan-yar ah, markaa waa in loogu tago goobaha ay ku nool
yihiin, si kiisaska iyo dacwadahooga loo dhegaysto.”
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale
sheegay in ujeedadu aanay ahayn in Maxkamadda Sare ay fadhiisato oo qudha
magaalooyinka waaweyn ee dalka, balse ay waajib tahay in dadweynaha loogu tago
goobaha ay ku nool yihiin ee ka fog magaalooyinka.
“Waxa kaloo ujeedada ka mid ah in loogu soo gar-naqo
meelihii la isku haystay ee ka mid ah degaannada ka fog magaalooyinka waaweyn
oo halka ay Maxkamadduhu iska fadhiisan lahaayeen magaalooyinka waaweyn oo
qudha ay go’aan halkaas ku gaadhi lahaayeen, waxa ka muhiimsan in garsoorku uu
tago goobaha ay dacwaduhu ka taagan yihiin, dadkana loo dhaweeyo garsoorka iyo
caddaaladda, kadibna halkaas dacwadahooga lagu dhegaysto, na tusa la yidhaahdo,
sidoo kale Maxkamaduhu booqdaan xabsiyada, markaa muddada aannu hawshan ku
jirno waxa aannu booqan doonaa xabsiyada degaannada Galbeedka Somaliland oo
ilaa Wajaale ayaannu tegaynaa, waxayna Maxkamadda Sare u bixi doontaa ilaa
soddon goobood ama degaan oo ka tirsan Gobolka Gabilay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale
caddeeyey in bahda garsoorka u guuray degaannada galbeedku ay ka kooban ilaa 70
xubnood oo ka kala socda Maxkamadda Sare iyo qaybaha kale ee hay’adaha
garsoorka, waxaannu yidhi; “Dadka soo guuray waxa ay ka kooban yihiin ilaa 70
xubnood oo isugu jira garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, hawlwadeenada kale ee
Maxkamadda Sare ee kala ah; kaaliyeyaasha iyo dadka kale ee caawinayey, waxa
kaloo ka mid ah qareennada difaacayey ama u doodayey dadka dacwaduhu ka dhexeeyaan,
goobaha la booqanayaana waa magaalooyinka waaweyn, tuulooyinka, dhulka
beeralayda ah, dhul-daaqsimeedka iyo degaannada miyiga ee Gobollada Galbeedka
Somaliland, waana meel kasta oo ay dacwad ka timaad ama meel kasta oo ay gar ka
jirto way booqanaysaa Maxkamaddu.”
Waxa kaloo uu
caddeeyey in muddada labada toddobaad ah ee ay joogaan Gobolka Gabilay ay
kormeer iyo qiimayn ku samayn doonaan madaxda hay’adaha garsoorka ee ka
hawlgala gobolkaas, isla markaana ay dhegaysan doonaan wixii cabashooyin ah ee
ay dadweynuhu tirsanayaan.
“Waxa kaloo uu arrinkani xoojinayaa oo baal-socda
madaxda ka shaqaysa Gobolka oo iyaga laftooda kormeer ayaannu ku samaynaynaa,
si aannu ula xisaabtano halka ay shaqada marinayaan iyo sidii kale in aannu
dhegaysanno waxyaabaha lagaga cabanayo. Waxa kaloo aannu iyadana albaabada u
furaynaa oo aannu soo dhawaynaynaa wixii cabashooyin jira oo dhan, waxaanan u
dhegaysanaynaa si furan oo goob-joog loo wada yahay, iyadoo aannu qofka
cabanayaa meelna soo marayn ee uu si toos ah ugu imanayo Maxkamadda Sare, si
toos ah ayaanan u qaabilaynaa oo muwaadin kasta waannu dhegaysanaynaa inta
aannu ka shaqaynayno Gobolka Gabilay oo ah toddobaadkan lagu jiro iyo
toddobaadka soo socdaba, kadibna Gobollada kale ayaannu u sii gudbi doonaa,
haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale u
mahadnaqay Madaxda hay’adaha garsoorka Gobolka Gabilay oo ay ugu horeeyaan
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gabilay, Xeer-ilaaliyaha gobolkaas iyo
madaxda kale ee qaranka Somaliland uga masuulka ah Gobolka Gabilay oo ay ka mid
yihiin Badhasaabka Gobolka, Maayirka Degmada Gabilay iyo Taliye-qaybeedyada
Booliska, kuwaasoo uu xusay inay dhammaantoodba shirar la qaadan doonaan
muddada ay joogaan Gabilay.
Xubno ka socday Hay’adaha kale ee Garsoorka ee
wehelinaya Maxkamadda Sare ee u guurtay degaannada Galbeedka Somaliland oo
iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in tallaabadani tahay mid
bulshada loogu soo dhawaynayo adeegyada garsoorka iyo caddaaladda, dacwadaha
kala duwan ee ay ka mid yihiin kuwa ciqaabta ah lagu dhegaysan doono hadba
goobta ay ka taagan yihiin ee ka tirsan Gobollada Gabilay, Awdal iyo Salal.
Waxa kaloo ay sheegeen in la dhegaysan doono dadka xidhan ee dacwadahooga ka qaatay racfaanka, iyagoo caddeeyey in isla shalayba dacwadooda la dhegaystay laba haween ah, kadibna xoriyadooda dib loogu celiyey, halka sidoo gabdhahaas xoriyadooda helay ay si xooggan ugu mahadnaqeen Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ay sheegeen inay si caddaalad ah u dhegaysatay kiisaskooda, kadibna ku qanacsaday in aanay ku sii jiri karin xabsiga, sidaasna lagu siiyey xoriyadooda.