SOMALILAND oo noqotay Saaxiibka Dibloomaasiyadeed ee ugu Muhiimsan Dalka Taiwan

Hargeysa (Hayaannews)- Warbaahinta dunida ayaa wax ka qoray dedaallo ay Dawladda Taiwan kor ugu qaadayso Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Dunida.

War-bixinnada Warbaahinta Dunidu ka qortay arrintan, ayaa yimid ka dib markii ay soo baxday in dhawaan Taiwan ay Xafiis diblumaasiyadeed ka furanayso Dalka Lithuania oo ku yaalla Qaaradda Yurub.

Warbaahinta qaarkood ayaa soo bandhigay Meeqaamka Xafiisyada diblumaasiyadeed ee Taiwan ka joogaan dalalka ay ka furan yihiin, waxaana War-bixinnadaa lagu soo hadal-qaaday Xafiiska Taiwan ku leedahay Somaliland.

Taiwan oo dunida ku leh 74 Xafiis oo ka shaqeeya Diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xidhiidhka ay Dunida inteeda la leedahay isla-markaana uu ku jiro ka ay ka furanayso Lithuania ayaa Warbaahintu waxay ku soo dareen Xafiiska Taiwan ay Somaliland ka furatay Magaalada Hargeysa sannadkii hore ee 2020.

Warbaahinta Formiche oo ka soo baxa Dalka Talyaaniga oo ka mid ah Warbaahinta arrintan wax ka qoray ayaa sheegay: “Xaqiiqdii, dhammaan xafiisyada kale, oo ay ku jiraan kan Viale Liegi ee Rome, waxaa loo yaqaan “wakiilka Taipei”; laakiin mida kaliya ee soo tabineysa tixraaca tooska ah ee Taiwan waa xafiiska laga furay 2020-kii maamulka Somaliland…”ayay qortay formiche.

Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii 2020 Xafiisyo Diblumaasiyadeed ka furtay Caasimadaha labada waddan, waxayna leeyihiin xidhiidh qoto-dheer, laakiin labadooda midna ma haysto aqoonsi Caalami ah.

Xigasho: Geeska Afrika

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com