SOMALILAND: Shirkadda SOM-Power Oo Daah-Furtay Nidaam Cusub Oo Lagu Yareynayo Khatarka Laydhka

 “SOM-Power Waa Saaxibka dadweynaha” Maareeyaha guud ee Shirkadda Laydhka ee SOM-power Cabdilaahi Beershiya

Hargeysa(Hayaannews): Shirkadda Laydhka ee SOM-power ayaa Daah-furtay laba mashruuc oo balaadhan, oo bulshada wax u tar weyn u leh.

Munaasibadii loo sameeyey daah-furka oo maanta lagu qabtay Huteelka Ali Jirde ee Magaalada Hargeysa,ayaa waxa ka soo qeybgalay maamulka iyo masuuliyiinta Shirkadda SOM-power, masuuliyiin ka socday xukuumadda,Ganacsatada, maamulka dawlada Hoose Iyo marti Sharaf kale oo tiro baddan.

Mashaariicdan ayaa waxay kala yihiin,Mashruuca dib-u-habayta laydhka Hargeisa iyo mashruuca casriyaynta laydhka,kuwaas  oo wax baddan ka bedeli doonaan adeegyada ay shirkadu bixiso,isla markaana ay faa’iidii doonaan bulshadu.

Masuuliyiintii ka hadlay Xaflada daah-furka ayaa waxay dhammaantood ku amaaneen doorka ay shirkadda SOM-power ku leedahay kor-u-qaadida amniga iyo iftiiminta magaalooyinka Somaliland.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Laydhka ee SOM-power Cabdilaahi Beershiya ayaa sharxay muhiimada ay shacabka reer Hargeysa u leeyhihiin maashaariicdan, waxaanu yidhi “Bishan Juley 2021 ilaa iyo mustaqbalka dhow ee soo socda in Magaalada dib-u-habeyn laydh lagu asmeeyo.runtii waa mashruuc aad u balaadhan, waa mashruuc wakhtigiisa iyo lacagtiisaba wata, waa mashruuc ay doonayso shirkadda SOM-power inay fuliso. Mashruucani waxa uu ka kooban yahay laba mashruuc oo isku sidkan:  Mashruuca dib-u-habeyta laydhka Hargeisa iyo Mashruuca casriyaynta laydhka”.

“SOM-power waa Saaxibka dadweynaha”.Ayuu yidhi Cabdilaahi-BEERSHIYA.

Guddoomiye Kuxigeenka Guddida fulinta ee Shirkadda SOM-power Cabdilaahi Cabdi Cawad, “Mashruuca dib u habeynta gudbinta laydhka iyo mashruuca casriyaynta laydhka waa laba mashruuc oo muhiima”

Guddoomiye Kuxigeenka Komiishanka Tamarta, Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa soo dhaweeyey daah-furka mashaariicdan oo uu ku tilmaamay inay bulshada wax weyn u tarayaan, waxaanu yidhi“Hore-na waan idinla shaqeynaynay, imikana waan idin la shaqeynaynaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin munaasidan qiimaha baddan ee aad nagu soo casuunteen”

Xoghayaha Fulinta dawlada Hoose ee Magaalada Hargeysa  Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay qurxinta iyo qaabaynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxa qayb ka noqon doona shirkadaha iyo ganacsatada dalka. Waan u mahad-naqayaa shirkadda SOMPOWER oo uu ku tilmaamay inay kaalinteeda qaadaneyso, maantana daah-furtay mashruuca dib u habaynta gudbinta korontada iyo mashaariic kale.

“Mashaariicdan ay maanta daah-furtay shirkadda laydhka ee SOM-power dhibaatooyinka fara baddan ee naga haystay laydhka xal wuu u noqon karaa. Laydhka iyo xadhkaha fara baddan ee magaalada dul-yaacaya ee bilic-xumada ku hayay iyo khatarta ay bulshada ku hayaan-ba. In laga dhigayo qaab dhulka hoostiisa la marinayo”.Ayuu yidhi Xoghaye Siciid Nuur Jaamac.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo macdanta Somaliland Mukhtaar oo halkaasi waxa uu yidhi “Wax ay shacabka reer Somaliland ay aad ugu baahnayd, oo la sugayay maanta tijaabadiisi bar-bilowga kowaad fulinaysa, aad ayaan ugu hambalyaynayaa Shirkadda SOM-power. Mashruucani waa mid ay aad ugu baahnayd Caasimada Hargeysi”

Mashaariicdan oo wax baddan ka bedeli doono adeega ay shirkaddu bixiso, faa’iido baddana ay ka heli doonaan macaamiisheedu.Waxaanu mashruuca casriyayntu qaadan doona 6-bilood ee ka hadhay sannadkan 2021, halka mashruuca labaad uu qadan doono sannado.

Labadan mashruucba waxay ka mid yihiin sidii loo gaadhi lahaa qorshaha wakhtiga dheer ee shirkada oo ah, in macaamiishu laga iibiyo laydh safe ah, la awoodi-karo, layskuna haleyn karo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com